https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Tuesday, April 26, 2022
Cabdi Xaashi: Saddex jeer oo uu guddoomiyaha Aqalka Sare sameeyay arrimo hadal hayn weyn dhaliyay
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Qoraalka sawirka,
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo maanta mar kale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu dhaqdhaqaaqa badnnaa sannadihii lasoo dhaafay, dhowr jeer ayuuna magaciisa ku lifaaqnaa arrimo hadal hayn ballaaran ka dhex dhaliyay Soomaalida.
Kaddib guushiisii maanta oo uu kursiga uga difaacday musharaxiinta kala ahaa Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, waxaa baraha bulshada qabsaday hambalyada ay u dirayaan siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada.
Hase yeeshee dadka qaar waxay sidoo kale xasuustaan xilliyadii Senator Cabdi Xaashi lagu hadal hayay baraha bulshada isagoo dhexda uga jiray mowduucyo qaarkood xasaasi ahaayeen.
Waxaan tusaale usoo qaadanaynaa saddex ka mid ah arrimahaas.
1- Dhiibistii Qalbi dhagax
Bishii September ee sannadkii 2017-kii, waxaa soo baxday in Qalbi Dhagax oo laga soo qabtay magaalada gaalkacyo, waxaa la geeyay Muqdisho, ka dibna lagu wareejiyay Itoobiya oo u qaaday dalkeeda. Waxaana la dhigay Xabsi.
Qalbi dhagax oo markii dambe la sii daayay ayaa lagu soo dhaweeyay Kenya
XIGASHADA SAWIRKA, SOCIAL
Qoraalka sawirka,
Qalbi dhagax oo markii dambe la sii daayay ayaa lagu soo dhaweeyay Kenya
Dawladda Soomaaliya waxay xilligaas ku adkeysatay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ay ahayd mid loo maray sharciga.
Qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaalida ayaa kasoo horjeeday tallaabadaas, waxaana dadka ugu cad cad ku jiray Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo xilligaas ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare, maanta dib loogu doortay xilkaas.
Horaantii sanadkan, Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa go'aan ay soo saareen ugasoo hor jeestay fikirka ku aaddan in ururka ONLF uu yahay jabhad argagixiso ah, waxayna sidoo kale khalad ku tilmaameen go'aankii hore ee dhiibista Qalbi dhagax.
Mar kale siyaasiyiinta ugu horreeyay ee go'aankaas dambe taageerada ballaadhan u muujiyay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Markaas waxa uu sheegay in la saxay khalad ay gashay dowladda uu hoggaanka u hayay Madaxweyne Farmaajo.
"Waxaad saxdeen dambi horay u dhacay, oo dowladdii uu Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax, oo aan dalkiisa ka gelin wax dambi ah, ururka ONLF oo u dagaallama xorriyadda Soomaalida dulman ee la haystana ku sifaysay urur argagixiso ah," ayuu ku yidhi warbaahinta.
2- Arrintii Farmaajo
In muddo ahba waxaa soo jiitamayay khilaaf sal adag yeeshay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Inta badan khilaafkani waxa uu daba socday arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, asxinta xeerar iyo shirar looga hadlayay arrimo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Maxay Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Cabdi Xaashi isku hayaan?
'Waxaa ii diiday inaan shirka ka qeyb galo dad shalay yimid oo aan dalka waxba ka ogeyn'
Muranka kuraasta "Somaliland" oo aan weli xal laga gaarin
Farmaajo iyo Cabdi Xaashi
Waxaa la rumaysan yahay in khilaafka u dhaxeeyay labada mas'uul uu si weyn dibadda ugu soo baxay sanadkii 2020-kii, xilligaas oo isasoo tarayeen wararka ku saabsan doorashada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee la xiriira hannaanka loo marayo doorashada xigta.
Arrimihii sida weyn hadal haynta baraha bulshada u qabsaday waxaa ka mid ahaa mar uu Guddoomiye Cabdi Xaashi meel fagaaro ah ka sheegay wax u muuqday in "madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday inay meel ku sugaan inta uu suuliga kasoo noqonayo". Erayo kale oo toos ah ayuu guddoomiyuhu markaas u adeegsanayay sharraxaadda arrintaas.
Intaas wixii ka dambeeyay waxaa la hadal hayay xurgufta madaxweynaha iyo guddoomiyaha, inkastoo markii dambe ay dhaceen heshiisyo xiisadahaas lagu xallinayay.
Qaadicidda doorashada
Inta ay socdeen dadaallada ku aaddan doorashada muranka dhalisay ee Soomaaliya, guddoomiye Xaashi waxa uu qayb ka ahaa siyaasiyiinta xuddunta u ah khilaafka.
Bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa dhowr jeer warbaahinta qabsaday hadallo kasoo baxay Cabdi Xaashi oo sheegayay in laga hor istaagay shirarkii waanwaanta doorashada.
Musharraxiinta Kursiga Guddoomiyaha Aqalka Sare
XIGASHADA SAWIRKA, AQALKA SARE
Islam markaasba, siyaasiyiin uu hor kacayo Cabdi Xaashi oo kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo ayaa aasaasay madal ay ku magacaabeen "Badbaado Qaran".
BBC-da oo weydiisay gudoomiye Cabdi Xaashi waxa uu yahay xalka ay doonayaan inay dalka ku badbaadiyaan ayaa yiri " waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko."
Bishii January ee sanadkan 2022-ka, Cabdi xaashi mar kale ayuu hadal haynta shacabka qabsaday kaddib markii isaga, Boqor Aw Maxamuud Buur Madow iyo siyaasiyiin kale ay sheegeen in ay qaaddaceen doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena eedeymo u jeediyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah dadka hoggaanka u ah howlaha doorashada.
Muran xoog leh oo markii dambe xal laga gaadhay ayaa in muddo ah ka taagnaa doorashada kuraasta gobollada Waqooyi.
Is afgarasho kaddib, Cabdi Xaashi waxa uu ku guulaystay in mar kale loo soo doorto xubinnimada Aqalka Sare, maantana waxa uu ku guulaystay in mar kale uu sii hayo hoggaanka Aqalka.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment