https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Villa Somalia oo ka hadashay sababta aysan u doonaynin in amniga Afisyoni aan loogu wareejin ATMIS
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Tuesday, April 26, 2022

Villa Somalia oo ka hadashay sababta aysan u doonaynin in amniga Afisyoni aan loogu wareejin ATMIS

Iyadoo maanta loo madlan yahay in guddoonka golaha shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni ayaa waxa tan iyo xalay soo baxay arrimo dhowr ah oo caqabad ku noqon karo doorashadaas. Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa iska mari la' cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada. Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya. Dhanka kale, xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashada golaha shacabka ayaa sheegay in aanay teendhada tegi karin xildhibaannada laga soo doortay labada degmo ee Gedo, xilli gudoomiyaha guddigaas uu ku adkeysanayo in xubnaha aanay xaq u lahayn inay go'aan ka gaaraan xildhibaannada ka qaybgalaya doorashada iyo kuwa aan ka qaybgalayn. Haddaba maxay tahay sababta uu u doonayo Madaxweyne Farmaajo in amniga teendhada Afisyoni aan lagu wareejin hawlgalka ATMIS? Waxaan su'aashaas iyo kuwo kale weydiinay afhayeenka Madaxweynaha, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

No comments: