https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: Puntland: Axmed Karaash oo la wareegay mas'uuliyadda maaulkaas xilli Deni uu maqanyahay
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Wednesday, April 20, 2022

Puntland: Axmed Karaash oo la wareegay mas'uuliyadda maaulkaas xilli Deni uu maqanyahay

Puntland: Axmed Karaash oo la wareegay mas'uuliyadda maaulkaas xilli Deni uu maqanyahay

Deni iyo Karaash

Deni iyo Karaash

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo saacado kahor bartiisa facebook ku daabacay war qoraal ah ayaa sheegay in mas'uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay maadama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqnyahay Puntland.Arrintaan ayuu Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) u daliishaday qodobo dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq dastuuri maadama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro.Qoraalka ayaa lagu yiri "hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la'aanta haysata dhallinyarada reer Puntland".Sidoo kale warkaan barta facebook ee madaxweyne ku ixgeenka lagu daabacay ayaa lagu muujiyay in madaxweynuhu aanu waajibaadkiisa shaqo aanu si ku meel gaar ah u guda karin taas oo keenaysa in howshu ku wareegto madaxweyne ku xigeenka iyadoo loo cuskanayo qodobada dasuurka maamulkaas.Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland", ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa faray hay'adaha dowladda inay u hoggaamsamaan dhowrista dastuurka Puntland.

Inkastoo warkaan la baahiyay waqti dambe haddana faah-faahin dheeraad ah kama bixinayo waxa uu hadalkaan salka ku hayo in la isla ogyahay in kale, iyadoo dad badan ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen baraha ay bulshadu ku xiriirto Sidoo kale hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo musharrax u ah xilka madaxtinimada dowladda federaalka Soomaaliya uu hadda ku suganyahay magaalada Muqdisho halkaa oo uu tagay howlaha doorashada. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Saciid Deni oo arrintaan la xiriira. Balse durba dadka qaar ayaa muujinaya in arrintaan ay u muuqan karto khilaaf hase yeeshee wali ma jirto xaqiiqda ah inuu jiro khilaaf.

Khilaaf horey u dhexmaray labada mas'uulIntii lagu guda jiray Sanadkii 2020-kii Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo shaaciddiisa kohor la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Khilaafkooda ayaa salka ku hayay xilligaas kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas'uul.

Karaash ayaa ku eedeeyay waqtigaas Deni in aanu kala tashan magacaabis uu sameeyay oo isugu jirtay taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay maalmihii khilaafku taagnaa BBC-da laanta Af-Soomaaliga ayaa sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan saalanta iska qaadin llabadoodu kuwaa oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.Khilaafka labada nin ayaa baryahaas bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishii May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabistii taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah," ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay xilligaas ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January sanadkii 2019-kii.

No comments: