Wednesday, January 26, 2022
Shir weynaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmaya Muqdisho
Britain oo Ruushka ugu hanjabtay cunaqabateeyn
Tuesday, January 25, 2022
Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo maanta qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka
Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo maanta qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha ShacabkaMa waxaa la afuufey buunkii dagaalkii saddexaad ee aduunka?
Ma waxaa la afuufey buunkii dagaalkii saddexaad ee aduunka?

XIGASHADA SAWIRKA,AFP/GETTY IMAGES
Ciidamada Maeykanka oo heegan sare la galiyay
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto "midnimo buuxda" oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushka ee ka socda xadka uu la wadaago Ukraine.
Intii lagu guda jiray wadahadaladii xasaasiga ahaa ee Isniintii, quwadaha reer galbeedku waxay ku heshiiyeen "cunaqabatayn aan horay loo arag" oo ka dhan ah Ruushka haddii uu duullaan ku qaado Ukraine.
Maraykanka ayaa sidoo kale heegan galiyay 8,500 oo askari, taasoo uu Ruushku sheegay in ay "walaac weyn ku abuurtay".
Ruushka ayaa beeniyay in uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado dalka Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la geeyay xadka uu Ruushka la wadaago dalka Ukraine.
Ku biirista Maraykanka iyo UK wadahadaladii Isniintii waxaa sidoo kale ka qeyb galay hogaamiyayaasha dalalka Fransiiska, Jarmalka, Taliyaaniga, Poland iyo Midowga Yurub.
Xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg ayaa sidoo kale khadka taleefoonka ugu qeyb galay wadahadaladaasi.
"Kulan aad iyo aad u wanaagsan ayaan la yeeshay dhammaan madaxda Yurub," ayuu yiri Mr Biden.
Afhayeen hadlay shirka ka dib ayaa sheegay in hogaamiyayaasha "ay isku raaceen muhiimada ay leedahay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cadaawadda sii kordheysa ee Ruushka".
Haddii duullaan kale oo Ruushku ku galo Ukraine uu dhaco, waxay ku heshiiyeen in "isbahaysigu ay soo saaraan jawaabo aargoosi degdeg ah oo ay ku jiraan cunaqabatayn aan horay loo arag".

XIGASHADA SAWIRKA,RUSSIAN DEFENCE MINISTRY
Taangiyada Rushka oo dhoolatus sameynaya
Isniintii, ra'iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka digay in warar sirdoon ay muujinayaan in Ruushka uu qorsheynayo weerar ku wajahan caasimadda Ukraine ee Kyiv islamarkana UK ayaa billowday inay la baxdo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda ay ku leedahay halkaas.
Mareykanka ayaa isna qaaday tillaabo la mid ah, isagoo ku amray ehelada shaqaalaha safaaradda inay isaga baxaan.
Qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah gaashaanburta Nato oo ay ku jiraan Denmark, Spain, France iyo Netherlands ayaa durba qorsheynaya inay diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal u diraan bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolka.
Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegaya in ay u arkaan Nato khatar dhanka ammaanka ah, waxayna dalbanayaan dammaanad qaad sharci ah oo ah in isbahaysigu aanu isku sii ballaarin doonin bariga, oo ay ku jirto dalka deriska la ah ee Ukraine.
Muddo bilooyiin ah dalka Ukraine waxay diyaarinayeen ciidan difaac dhulkeed oo mutadawiciin ah.
Ruushka ayaa horey u qabsaday dhulka Ukraine, ka dib markii uu la wareegay gobolka Crimea sanadkii 2014-kii.
Ka dib markii ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta, Crimea waxay qabteen afti ay shacabka gobolkaasi ugu biireen Ruushka, aftidaasi oo reer galbeedka iyo Ukraine ay ku tilmaameen sharci darro.
Maqaal: Nabadeynta Soomaaliya ma waxay ku xirantahay wadahadal lala galo Al Shabaab?
assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Galmudug aya shaacisay afar ka mid ah kuraasta barlamaanka oo lagu qaban doono dhuuso mareeb
Galmudug ayaa shaacisay afar ka mid ah kuraasta baarlamanka oo lagu soo lagu qaban doono Dhuusamareeb
(BUURTINLE TIMAJILICNEWS)-Guddiga maamulka doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska guddiga soo xulaya 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Dhuusamareeb.

wasaarada caafimaadka soomaaliya oo kulan cilmi baaris ku qabanaysa Garoowe
Wasaaradda caafimaadka
Soomaaliya oo kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe
Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo-1 Feebaraayo 2022.
Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa u guntaday inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.
Madashan ayaa fursad gooniya siin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka guud oo runtii ah meelaha ugu muhiimsan ee dalkeenu ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa waxay si u mahadceliyen Ururka Caafimaadka Adduunka, Wakaaladda Caafimaadka guud ee dalka Sweden (Public Health Agency of Sweden) iyo Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee (SHAJ).
Doorashada Sagaal kursi ee xildhibaanada Golaha shacabka somaliland oo maanta ka bilaabatay moqdisho
Doorashada sagaal kursi ee xildhibaannada golaha shacabka Soomaali-Land oo maanta ka billaabatay Muqdisho
BUURTINLE(TIMAJILIC NEWS)- Guddiga doorashada kuraasta gobollada Woqooyi ee Soomaaliland ayaa maanta Muqdisha ku dooranaya 9 kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Khadra Maxamuud Raage ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop 247ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa isna ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 245 ee golaha shacabka BJFS, iyadoo ay weli socoto inta ka harsan doorashada kuraasta golaha shacabka ee Gobollada waqooyi ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

