https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: April 2022
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Tuesday, April 26, 2022

Villa Somalia oo ka hadashay sababta aysan u doonaynin in amniga Afisyoni aan loogu wareejin ATMIS

Iyadoo maanta loo madlan yahay in guddoonka golaha shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni ayaa waxa tan iyo xalay soo baxay arrimo dhowr ah oo caqabad ku noqon karo doorashadaas. Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa iska mari la' cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada. Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya. Dhanka kale, xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashada golaha shacabka ayaa sheegay in aanay teendhada tegi karin xildhibaannada laga soo doortay labada degmo ee Gedo, xilli gudoomiyaha guddigaas uu ku adkeysanayo in xubnaha aanay xaq u lahayn inay go'aan ka gaaraan xildhibaannada ka qaybgalaya doorashada iyo kuwa aan ka qaybgalayn. Haddaba maxay tahay sababta uu u doonayo Madaxweyne Farmaajo in amniga teendhada Afisyoni aan lagu wareejin hawlgalka ATMIS? Waxaan su'aashaas iyo kuwo kale weydiinay afhayeenka Madaxweynaha, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Recommended Recipe for you:

Keep up with a user’s Tweets on Telegram

Cabdi Xaashi: Saddex jeer oo uu guddoomiyaha Aqalka Sare sameeyay arrimo hadal hayn weyn dhaliyay

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo maanta mar kale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu dhaqdhaqaaqa badnnaa sannadihii lasoo dhaafay, dhowr jeer ayuuna magaciisa ku lifaaqnaa arrimo hadal hayn ballaaran ka dhex dhaliyay Soomaalida. Kaddib guushiisii maanta oo uu kursiga uga difaacday musharaxiinta kala ahaa Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, waxaa baraha bulshada qabsaday hambalyada ay u dirayaan siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada. Hase yeeshee dadka qaar waxay sidoo kale xasuustaan xilliyadii Senator Cabdi Xaashi lagu hadal hayay baraha bulshada isagoo dhexda uga jiray mowduucyo qaarkood xasaasi ahaayeen. Waxaan tusaale usoo qaadanaynaa saddex ka mid ah arrimahaas. 1- Dhiibistii Qalbi dhagax Bishii September ee sannadkii 2017-kii, waxaa soo baxday in Qalbi Dhagax oo laga soo qabtay magaalada gaalkacyo, waxaa la geeyay Muqdisho, ka dibna lagu wareejiyay Itoobiya oo u qaaday dalkeeda. Waxaana la dhigay Xabsi. Qalbi dhagax oo markii dambe la sii daayay ayaa lagu soo dhaweeyay Kenya XIGASHADA SAWIRKA, SOCIAL Qoraalka sawirka, Qalbi dhagax oo markii dambe la sii daayay ayaa lagu soo dhaweeyay Kenya Dawladda Soomaaliya waxay xilligaas ku adkeysatay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ay ahayd mid loo maray sharciga. Qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaalida ayaa kasoo horjeeday tallaabadaas, waxaana dadka ugu cad cad ku jiray Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo xilligaas ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare, maanta dib loogu doortay xilkaas. Horaantii sanadkan, Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa go'aan ay soo saareen ugasoo hor jeestay fikirka ku aaddan in ururka ONLF uu yahay jabhad argagixiso ah, waxayna sidoo kale khalad ku tilmaameen go'aankii hore ee dhiibista Qalbi dhagax. Mar kale siyaasiyiinta ugu horreeyay ee go'aankaas dambe taageerada ballaadhan u muujiyay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Markaas waxa uu sheegay in la saxay khalad ay gashay dowladda uu hoggaanka u hayay Madaxweyne Farmaajo. "Waxaad saxdeen dambi horay u dhacay, oo dowladdii uu Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax, oo aan dalkiisa ka gelin wax dambi ah, ururka ONLF oo u dagaallama xorriyadda Soomaalida dulman ee la haystana ku sifaysay urur argagixiso ah," ayuu ku yidhi warbaahinta. 2- Arrintii Farmaajo In muddo ahba waxaa soo jiitamayay khilaaf sal adag yeeshay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Inta badan khilaafkani waxa uu daba socday arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, asxinta xeerar iyo shirar looga hadlayay arrimo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Maxay Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Cabdi Xaashi isku hayaan? 'Waxaa ii diiday inaan shirka ka qeyb galo dad shalay yimid oo aan dalka waxba ka ogeyn' Muranka kuraasta "Somaliland" oo aan weli xal laga gaarin Farmaajo iyo Cabdi Xaashi Waxaa la rumaysan yahay in khilaafka u dhaxeeyay labada mas'uul uu si weyn dibadda ugu soo baxay sanadkii 2020-kii, xilligaas oo isasoo tarayeen wararka ku saabsan doorashada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee la xiriira hannaanka loo marayo doorashada xigta. Arrimihii sida weyn hadal haynta baraha bulshada u qabsaday waxaa ka mid ahaa mar uu Guddoomiye Cabdi Xaashi meel fagaaro ah ka sheegay wax u muuqday in "madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday inay meel ku sugaan inta uu suuliga kasoo noqonayo". Erayo kale oo toos ah ayuu guddoomiyuhu markaas u adeegsanayay sharraxaadda arrintaas. Intaas wixii ka dambeeyay waxaa la hadal hayay xurgufta madaxweynaha iyo guddoomiyaha, inkastoo markii dambe ay dhaceen heshiisyo xiisadahaas lagu xallinayay. Qaadicidda doorashada Inta ay socdeen dadaallada ku aaddan doorashada muranka dhalisay ee Soomaaliya, guddoomiye Xaashi waxa uu qayb ka ahaa siyaasiyiinta xuddunta u ah khilaafka. Bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa dhowr jeer warbaahinta qabsaday hadallo kasoo baxay Cabdi Xaashi oo sheegayay in laga hor istaagay shirarkii waanwaanta doorashada. Musharraxiinta Kursiga Guddoomiyaha Aqalka Sare XIGASHADA SAWIRKA, AQALKA SARE Islam markaasba, siyaasiyiin uu hor kacayo Cabdi Xaashi oo kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo ayaa aasaasay madal ay ku magacaabeen "Badbaado Qaran". BBC-da oo weydiisay gudoomiye Cabdi Xaashi waxa uu yahay xalka ay doonayaan inay dalka ku badbaadiyaan ayaa yiri " waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko." Bishii January ee sanadkan 2022-ka, Cabdi xaashi mar kale ayuu hadal haynta shacabka qabsaday kaddib markii isaga, Boqor Aw Maxamuud Buur Madow iyo siyaasiyiin kale ay sheegeen in ay qaaddaceen doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena eedeymo u jeediyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah dadka hoggaanka u ah howlaha doorashada. Muran xoog leh oo markii dambe xal laga gaadhay ayaa in muddo ah ka taagnaa doorashada kuraasta gobollada Waqooyi. Is afgarasho kaddib, Cabdi Xaashi waxa uu ku guulaystay in mar kale loo soo doorto xubinnimada Aqalka Sare, maantana waxa uu ku guulaystay in mar kale uu sii hayo hoggaanka Aqalka.

بوتين يهدد الولايات المتحدة والغرب بصاروخ سارمات العابر للقارات قبل التف...

Thursday, April 21, 2022

Wednesday, April 20, 2022

Recommended Recipe for you:

Quickly create events in a Google Calendar

Recommended Recipe for you:

Add Trello to your lifestyle analytics with Welltory

Puntland: Axmed Karaash oo la wareegay mas'uuliyadda maaulkaas xilli Deni uu maqanyahay

Puntland: Axmed Karaash oo la wareegay mas'uuliyadda maaulkaas xilli Deni uu maqanyahay

Deni iyo Karaash

Deni iyo Karaash

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo saacado kahor bartiisa facebook ku daabacay war qoraal ah ayaa sheegay in mas'uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay maadama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqnyahay Puntland.Arrintaan ayuu Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) u daliishaday qodobo dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq dastuuri maadama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro.Qoraalka ayaa lagu yiri "hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la'aanta haysata dhallinyarada reer Puntland".Sidoo kale warkaan barta facebook ee madaxweyne ku ixgeenka lagu daabacay ayaa lagu muujiyay in madaxweynuhu aanu waajibaadkiisa shaqo aanu si ku meel gaar ah u guda karin taas oo keenaysa in howshu ku wareegto madaxweyne ku xigeenka iyadoo loo cuskanayo qodobada dasuurka maamulkaas.Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland", ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa faray hay'adaha dowladda inay u hoggaamsamaan dhowrista dastuurka Puntland.

Inkastoo warkaan la baahiyay waqti dambe haddana faah-faahin dheeraad ah kama bixinayo waxa uu hadalkaan salka ku hayo in la isla ogyahay in kale, iyadoo dad badan ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen baraha ay bulshadu ku xiriirto Sidoo kale hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo musharrax u ah xilka madaxtinimada dowladda federaalka Soomaaliya uu hadda ku suganyahay magaalada Muqdisho halkaa oo uu tagay howlaha doorashada. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Saciid Deni oo arrintaan la xiriira. Balse durba dadka qaar ayaa muujinaya in arrintaan ay u muuqan karto khilaaf hase yeeshee wali ma jirto xaqiiqda ah inuu jiro khilaaf.

Khilaaf horey u dhexmaray labada mas'uulIntii lagu guda jiray Sanadkii 2020-kii Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo shaaciddiisa kohor la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Khilaafkooda ayaa salka ku hayay xilligaas kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas'uul.

Karaash ayaa ku eedeeyay waqtigaas Deni in aanu kala tashan magacaabis uu sameeyay oo isugu jirtay taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay maalmihii khilaafku taagnaa BBC-da laanta Af-Soomaaliga ayaa sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan saalanta iska qaadin llabadoodu kuwaa oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.Khilaafka labada nin ayaa baryahaas bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishii May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabistii taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah," ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay xilligaas ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January sanadkii 2019-kii.

Maxaa Lagu Arkay Dekadaha Yemen ee Dagaalku Kaqarxay | Xulashada Dunida

Sunday, April 17, 2022

Recommended Recipe for you:

Press a button to track work hours in Google Drive

Gabar 14 bilood ku qortay Kitaab Qur’aan ah oo qurux badan

Gabar 14 bilood ku qortay Kitaab Qur’aan ah oo qurux badan ফাতিমা সাহাবার ক্যালিগ্রাফি দিয়ে তৈরি কোরআন।Nuqulkan Kitaabka Qur'aanka ah ayaa waxaa qortay Fatima Sahaba"Waxaan aad u jeclaan jiray inaan gacantayda ku qoro nuqul Kitaabka Qur'aanka ah."Sanadkii la soo dhaafay waxaan qoray hal jus oo ka tirsan Qur'aanka waxaanan tusiyay waalidiintay iyo saaxiibaday. Aad ayey ugu farxeen dhigaalkeyga. Waxaan u sheegay inaan doonayo inaan Qur'aanka oo dhan soo guuriyo."Aad bay arrintaasi iigu dhiirigeliyeen hasayeeshee waxa ay ii sheegeen in ay adag tahay howshaasi."Fatima Sahaba oo 19-jir jecel farshaxanka gacanta iyo dhigaalka ayaa ka sheekaysay guusha ay gaartay.Hasayeeshee muddo 14 bilood ah oo ay ku qortay nuqulkan Qur'aanka ayaa waxaa la yaabay qofkasta, oo qaraabadeeda iyo saaxiibadeed oo kaliya ma ahanee waxaa guusha ay gaartay ku amaanay dad kale. Bilowgii dhigista kitaabka নিজের ক্যালিগ্রাফি শিল্প হাতে ফাতিমা সাহাবা।Fatima Sahaba iyo xirfadeeda sare ee wax qoristaFatima waxa ay ku nooshahay degmada Kannur ee gobolka Kerala ee koonfurta waddanka Hindiya. Markii ay yareyd ayey jacleyd waxqorista iyo inay gacanteeda wax ku sawirto.Waxa ay samayn jirtay farshaxan ay tusiso waalidkeed, iyaguna waa ay ku dhiirrigelin jireen.Markii ay gaartay fasalka sagaalaad ee iskuulka, waxa ay aad ugu soo baxday dhigaalka iyo farshaxanka. Inta badan maalintii wax umbay qori jirtay oo waxa ay ku tilmaamaysaa inuu ahaa "jaceyl ay u qabtay sayniskaas gaarka ah."Markaan iskuulka ka imaadaba waxaan dad kale wadabilaabi jirnay farshaxanka," ayey tiri.Waxa ay sheegtay in aayadaha Qur'aanka Kariimka ay marwalba farxadgaliyaan. Marka waxa ay doonaysay inay Qur'aanka u qorto sida ugu wanaagsan ee loo qori karo. নিজের নকল করা কোরআন পড়ছেন ফাতিমা সাহাবা।,Fatima Sahaba oo akhrinaysa nuqulka Kitaabka Qur'aanka ee ay gacanteeda ku qortay"Bilowgii hore waxaan qori jiray mid ama laba jus," ayey Fatima tir. "Waalidkay aad ayey arrintaas ugu faraxsanaayeen."Muddo kaddib, waxaan arkay saaxiibaday oo iibsanaya dhammaan farshaxanka, waanan ku faraxsanaa inaan wax u sawirro."Arrintaas waxa ay sare u qaadday kalsoonidayda, waxaanan bilaabay inay rumaysto in waxa aan sameeyay ay muhiim u yihiin noloshayda."Fatima Sahaba ayaa markii ay aheyd fasalka 10-aad waxa ay qoyskeeda kula noolayd waddanka Camaan. ফাতিমা খুবই পরিশ্রমী মেয়ে: বাবা। Fatima aabaheed ayaa sheegay inay tahay gabar howl kar ah Muddo kaddib qoyskeeda ayaa waxa ay dib ugu laabteen waddanka Hindiya, oo waxa ay dageen magaalada Kodaparamba ee deeaanka Kannur. Markii ay dhammaysay iskuulka, Fatima waxa ay doonaysay inay barato farshaxanka, waxaana ay bilowday inay barato naqshadaynta qurxinta guryaha. Waxaana ay haatan naqshadaynta gudaha guryaha ka barataa Koleejka Kannur. Waxaa loo ogolaaday inay Qur'aanka guuriso কোরআন শরীফNuqulka FatimaWaxa ay sheegaysaa in haddii ay fursadi jiri laheyd uu qofwalba dooran lahaa nooca uu jecelyahay kaddib uu si adag uga shaqeyn lahaa sidii uu uga miro dhalin lahaa.Ka hor inta aanay Qur'aanka qorin ayaa Fatima aabaheed waxa uu la hadlay Muftiga, waxaana uu waydiiyay in gabadhiisa ay Qur'aanka soo guurin karto.Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma jiro diiniyan wax diidaya in Qur'aanka gacan lagu qor marka Fatima waxaa loo fasaxay inay dhigaalka bilowdo."Aabe ayaan waydiiyay inuu iisoo iibiyo khad, qalimaan iyo waraaqo, wax walbana waxa uu ka soo iibiyay dukaan aanan gurigooda ka fogayn."Maalinkasta markii aan kuleejka ka soo laabto waxaan qaadan jiray waqti nasiino ah. Salaadda Maqrib kaddibse waxaan bilaabi jiray guurinta Qur'aanka."Waxaan dhigaalka bilaabay bishii Agoosto ee sanadkii hore waxaanan guurinta soo afjaray bishii Sibteembar ee 2021-ka." পরিবারের সাথে ফাতিমা সাহাবা।Fatima Sahaba oo la joogta qoyskeeda"Gabdho iyo wiilal ayaa iga yaryar, oo waxaan u haystay inay I dhibi doonaan markii aan qorayo cutubyada Qur'aanka hasayeeshee waxaan la yaabay in aanay I dhibinba, balse ay siyaabo kala duwan igu caawinayeen."Fatima waa ay ogeyd shaqada wanaagsan ee ay hayso, oo waxa ay doonaysay inay si qurux badan u dhammaystirto."Waxaan ka cabsanayay inaan khalad sameeyo marka aan Qur'aanka guurinayo," ayey tiri. ফাতিমা ক্যালিগ্রাফি করার সময় পাশে থাকতেন তার মা।Fatima markii ay Kitaabka qoraysay waxaa la joogtay hooyadeedFatima si aanay khalad u samayn waxa ay dhigaalkeeda bilowgiiba ku samaysay qalin qori.Markii aan xaqiiqsado in wax khalad ah aanan samayn ayaa waxaan markaas kaddib ku qori jiray qalinka khaddiisu aanay go'ayn," ayey tiri. ফাতিমার তৈরি ক্যালিগ্রাফ শিল্প।Waa naqshada dhigaalka Fatima ay hindistayFatima ayaa guurisay Qur'aanka oo waxa ay ku qortay 604 bog.Bilowgii hore howshu waa ay wanaagsaneyd balse markii dambe waa ay yara dabacday, balse markii aan qoraalka sii waday way ii kala baxday," ayey tiri. 'Fatima aad ayaannu ugu faannaa Waalidiinta Fatima Sahaba ayaa aad ugu faraxsan gabadhooda oo waxa ay sheegayaan in ay ku faanayaan guusha ay gaartay. Hooyo Naadiya Ra'uuf ayaa sheegtay "Barakada Alle ayey Fatima ku dhammaysay shaqadeeda. Dhammaantayo waannu ku faanaynaa shaqadeeda iyo shakhsiyadeedaba. Waa gabar howlkar ah, wax walbana way u hagarbaxdaa."Allaah ayaan uga mahadcelinayaa inuu I siiyay gabar qurux badan oo Ilaahay ka cabsata," ayuu yiri Cabdura'uuf, Fatima aabaheed.Fatima ayaa sheegtay in waalidkeed aanay abid ka hor istaagin inay riyadeeda ka guulgaarto. Aabe aad ayuu u farxaa markii dadku ay jeclaadaan dhigaalkayga markastana shaqadayda wuu mahadiyaa. Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: Waxaan doonayaa inaan noqdo macallin dhanka farshaxanka dhigaalka ah Fatima Sahaba ayaa sheegtay inay jeceshahay farshaxanta iyo qurxinta guryaha si ay usoo baxaan."Waxaan doonayaa inaan noqdo macallimad dhigta sayniska farshaxanka," taasi waa waxa ay ku hamiyayso.Waxa ay sheegaysaa in markii ay yareyd ay gabdhaha saaxiibadeed ah ay cillaanka u saari jirtay. Saaxiibadeedna waa ay jeclaysan jireen naqshadda ay cillaanka ugu saarto.Sababtuan waxa ay aheyd in cillaanka aan marinjiray uu dhab ahaantii ka duwanaa kuwa kale. Markaan middaasi arkayna hididiilo horleh ayaan u qaaday farshaxanka dhigaalka. Waxaa jira naqshado badan oo lagu dhigo luuqadda Carabiga kuwaas oo soo jiidanaya farshaxaniistaha."Fatima ayaa haatan inta badan waqtigeeda waxa ay ku qaadataa waxbarashada iyo farshaxanka, sidoo kalana waxa ay jeceshahay inay saaxiibadeed waqti la qaadato."Waa arrin wanaagsan inaad saaxiibo leedahay, waanan ku faraxsanahay inaan la hadlo," ayey leedahay.Waan yara xishoonayaa, hasayeeshee haatan waxaan ku faraxsanahay sida ay arrimuhu ku socdaan iyo in la iga hadlayo. Waxay ila tahay waxaan helay qiimihii howshii adkayd ee aan qabtay. Markii dadku ay wax wanaagsan iga sheegaan, waan farxaa, waayo yaanan jeclayn in wax wanaagsan laga sheego?"

TIMAJILIC: ciidamada xoogga dalka.soomaaliya iyo hadal hayn k...

TIMAJILIC: ciidamada xoogga dalka.soomaaliya iyo hadal hayn k...

ciidamada xoogga dalka.soomaaliya iyo hadal hayn ka dhalatay soo laabshada ciidanka soomaaliya

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalka Kusocda Muslimiinta Hindiya Dunida oo Ka...

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada ay Dunida Galiyeen Ruushka & Waqooyiga Ku...

Friday, April 15, 2022

Recommended Recipe for you:

Notify your neighbour when your mower needs attention

Cabdirashiid Janan: "Waxaan ka aamusi waayay meyd-garaaca lagu hayo dadka gobolka Gedo"

Janan

Wasiirkii hore ee amniga maamul-goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay muddo kadddib la hadlay warbaahinta, waxaana arrimaha uu ka hadlay ka mid ah doorashada dalka ka socota.

Cabdirashiid Janan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inuu taageersan yahay go'aankii shalay ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee ahaa in doorashada 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarrey isla markaana in muddo ahba lagu muransanaa haatan loo wareejinayo deegaan doorashada labaad oo ah degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo."Gobolka Gedo arrin nasiib darro ah ayaa ku dhacday, waxaana u arkaa khilaafka hadda jira midna waa mid sharci wato, midna waa mid sharci darro ah. Marka dabcan midka sharciga wato ayaan is leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo dadka reer Gedo-ba inay u hiilliyaan uuna dhaqan geli doono, saas ayaan rajeynayaa insha allah," ayuu yiri.Go'aanka guddiga doorashada ayaa waxaa so dhoweeyay maamulka Jubaland, hase yeeshee waxaa ka soo horjeestay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ku adkeystay in meel aan Garbahaarrey ahayn aysan doorasho ka dhici karin."Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha." Ayuu yiri Buulle Gareed oo BBC-da u warramayay.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay inay habboon tahay in arrinta doorashada loo daayo cidda ku shaqada leh sida uu sheegay. "Ra'iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa doorashada dalka u xil saarnaa, waxaa jiray guddiyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Dabcan marka guddiyadaas iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo dowlad goboleedka Jubaland madaxdeeda wixii ay isku racaaan baa sharci noqonaya," ayuu yiri.

  • Maxaa keenay inuu hadda soo hadlo?
Janan

Cabdirashiid Janan oo in muddo ahba ka aamusnaa arrimaha doorashada ee dalka ka socda ayaa sheegay in sababta haatan ku kalliftay inuu hadlo ay tahay, inuu ka aamusi waayay muranka kuraasta Garbahaarrey, oo sida uu sheegay uu filayay in odayaasha gobolka ay ka hadli doonaan oo xal laga gaari doono. Horta shakhsiyan aniga nin siyaasi ah oo Soomaaliyeed ayaan ahay, qaddiyad baana leeyahay, deegaan ayaana ka soo jeedaa. Soomaali 4.5 ayay wax ku qeybsatay, dhinac ahaanna federaal waaye oo dowlad goboleedyo ayuu dalka leeyahay oo wax lagu qeybsaday. Aniga gobolkaas ay ka maqan tahay matalaadda xildhibaannadaas ayaan ka soo jeedaa, ee dadkaas shacabka ah oo la jahwareeriyay, oo maamulkii sharciga oo ay lahaayeenna lagu tuntay oo la xoogay askarta nabad-sugidda ahna loo dhiibay.Waxaa iga hadashiiyay xilligaan inaan arkay dadkii gobolkaas ka soo jeeday, muddo badan waa dhibbanaayeen ee haatan la meyd-garaacayo, waxaana ii muuqan waayay cid kale oo ama dhaqan ah ama siyaasad ah oo damiir yeelata oo arrintaas ka hadasha," ayuu yiri Janan. Waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo ka dhashay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, oo sanadkii 2019 dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-kii, Cabdirishiid Janan oo markaas ahaa wasiirka amniga maamulkaas oo la hadlayay saraakiisha ciidamada ee maamulkaas wuxuu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkooda, wuxuuna ka digay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii kusoo xad gudubta.Meesha la yiraahdo Baydhabo doorashaa ka socota, waxa ka jirana waad ogtihiin, baabuur dad laga soo hormariyo, 20 wasiir oo la isku soo daro. Anagana doorasho ayaan u soconaa, qof kii raba in uu doorasho galo waxaan ogolnahay isaga oo nabad ah, oo shaqsi ah in uu garoonkaas kasoo dego, ma dhibaateyneyno, xaq buu leeyahay", ayuu yiri Janan.Wuxuu intaa ku daray: "Laakiin waxa dadka qaarkiis lagula dhaqmayo ciddii nagula dhaqanta awood baan u leennahay in aan garoonka ka celinno".Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bishii Augst ee sanadkii 2019-kii, shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto "dambiyo culus" oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.Cabdirashiid Janan ayaa hadda muddo sanad ah ku sugan magaalada Muqdisho. Bishii March ee sanadkii hore ayuu ka degay magaalada Muqdisho kaddib sida uu sheegay wada hadal dhex maray isaga iyo dowladda, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa sheegtay inuu is soo dhiibay.

JananWareysi uu xilligaas siiyay BBC, ayaa Cabdirashiid Janan wuxuu ku yiri: "Dawladda Soomaaliya waxaan ku heshiinay in khilaafkii la af-jaro, laga heshiiyo shacabka Soomaaliyeed na loo turo."

"Dawladnimada ummada Soomaaliyeed mudo ka maqnayd oo furaheedii hadda la helay, laga wada shaqeeyo sida qaranimadeedii iyo sharafteedii loo soo celin lahaa, khilaafkana la xiro." Ayuu yidhi Janan oo hadalkiisu u ekaa in heshiis uu la galay dowladda.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ay muddaba dooneysay in la xalliyo khilaafka. Wuxuu yidhi "xaqiiqiyan mudo dheer oo sannad ka badan waxay dawladda dhexe u taagnayd in arrintaan la xaliyo, arintaas iyada ahna maanta ayuu Ilaahay suurto geliyey".

Wednesday, April 13, 2022

Recommended Recipe for you:

Quickly create events in a Google Calendar

Maxay xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ka yiraahdeen go'aankii FEIT

Astaanta FEITMaanta ayaa la filayaa in gudiga FEIT uu dhaariyo xildhibaanada

Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya ee Heer Federal ayaa fasaxay laba ka mid ah saddexdii kursi ee beerlamaanka ee deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed.

War saxaafadeed muuqaal ah oo ka soo baxay gudiga ayaa laga sheegay in wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha gudiga Muuse Geelle ay gaareen magaalada Baydhabo si ay u xaliyaan tabashada reer Koonfur galbeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Maanta waxaan la kulanay odayaashii dhaqanka kuraastii buuqu ka taagnaa, bulshada rayidka ah iyo maamulka qaybo ka mid ah. Baaritaan aan ku sameynay gudiga SEIT dukumiintiyadii ay gacanta ku hayeen, waxaa noo soo baxday, kursiga Hop 103 iyo kursiga Hop 204 in ay fasaxan yihiin wixii hadda ka danbeeya, oo wax buuq ah uusan ka taagnayn, halka uu wali hakisan yahay kursiga Hop 154".

Gudiga ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee deegaan doorashaduudu tahay Koonfur Galbeed ay qaadan doonaan shahaadada xildhibaanimada, sidoo kalana ay ka qayb gali doonaan munaasabadda dhaarinta xildhibaanada oo la filayo in ay biri ka dhacdo xerada afisyooni.

Maxay arintaan ka yiraahdeen xildhibaanada Koonfur Galbeed?                                                                                              Xildhibaan cabdalla Xuseyn Cali oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed, afhayeena u ah dhamaan xubnaha baarlamaanka ee ay isku deegaan doorashada yihiin oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go'aanka ka soo baxay gudiga doorashooyinka.

Waxaan weydiinay su'aal ahayd, ma ka qayb galeysaan dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee maanta la filayo in ay ka dhacdo xerada afisyooni? Waxa uu ku jawaabay : "Haa, waan ka qayb galeynaa dhaarinta xildhibaanada ee la isugu yeeray maanta, waan tageynaa, dhaartaasna waan ka qayb galeynaa".

Labada kursi ee aan ilaa iyo hadda la fasixin waxaa doorashadooda ku soo baxay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdi iyo taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Gudigu waxay iclaamiyeen in lagu celin doona doorashada kursiga ay ku soo baxday xildhibaan Sareedo.

Horey xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay u diideen in ay qaataan shaadada xildhibaanimada iyo sidoo kale in ay ka qayb galaan munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada. Balse dhawr maalin ka hor waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hugaaminayay madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye oo iclaamiyay in uu ka qayb qaadanayo xalinta khilaafka ka dhashay hakinta kuraasta. XIldhibaan Cabdalla waxa uu noo sheegay in wadahadaladii uu galay wafdigaas ay wax wayn katareen xalinta khilaafka.

Monday, April 11, 2022

Recommended Recipe for you:

Add Todoist to your lifestyle analytics with Welltory

Recommended Recipe for you:

Automatically have the texts you receive on your Android phone sent to your email

Maxaa ka jira in Abiy Axmed uu ciidamo Soomaali ah u adeegsanayo dagaalka Oromada?

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gobolka ugu bulshada badan dalka Itoobiya ee Oromia, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ciidamada Xoreynta Oromo (OLA), taas oo sii xoojineysa walaaca laga qabo amniga sii xumaanaya ee koofurta dalkaas.
Dagaal sokeeye oo 17 bilood ka socday waqooyiga Itoobiya ayaa daaha ka qaaday musiibo bini'aadannimo oo aad u ba'an oo ay kumannaan qof ku dhinteen, malaayiin kalena ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.
Maamulka gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro muddo bil ah socday oo ka dhan ah Xoogagga Xoreynta Oromada halka kooxda OLA dhankeeda ay sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalladaasi.
Afhayeenka kooxda Odaa Tarbii ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dariska la ah la geeyay Oromia si ay gacan uga geystaan dagaalka.
Dhaqaatiirta gaajaysa oo raashiinka gargaarka safaf u galaya
Debretsion Gebremichael: Ninka magaciisu ku xardhan yahay colaadda Itoobiya
Maraykanka oo war cusub ka soo saaray dagaalka Itoobiya
Hase yeeshee, waxaa eedeeyntaasi gaashaanka u daruuray sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Soomaalida oo la hadlay BBC-da, oo la yirahdo Abdikadr Rashid, laakin waxa uu sheegay in ciidamada gobolkiisa ay geli karaan Oromia haddii loo yeero.
Xabbad-joojin bini'aadannimo oo ay ku heshiiyeen ciidamada Tigrayga iyo dawladda oo bishii hore lagu dhawaaqay ayaa loo arkay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee waqooyiga. Balse iyadoo gargaarka la sii marsiinayo gobolka Tigray aanu dabooli karin baahida gobolka, ayaa haddana waxaa jira eedeymo ah in la xannibay gargaarka.
Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan dagaallada ka socda koofurta dalka iyo inay sii murjiyaan dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa bini'aadannimo ee dalka Itoobiya uu wajahayo.
Halkee ayay iska arkeen Oromada iyo Abiy Axmed?
Markii Abiy Axmed uu noqday ra'iisul wasaaraha Itoobiya afar sano kahor, qowmiyadda Oromada ayaa dareemay in xaaladdooda ay is beddeli doonto.
Qof ka mid ah ayuu ahaa - wuu fahmayay carada qowmiyadda ugu tirada badan dalkaas kuwaas oo dibadbaxyo ballaaran gudaha dalkaas ku qabtay kahor inta uusan is casilin ninkii xilka kaga horreeyay.
Wuxuu ogaa waxa ay la micno tahay isdhaafka gacmahooda oo caan ka noqday cayaarihii olombikada ee Rio Olympics markii orod yahanka Feyisa Lilesa uu sidaas sameeyay.
"Dad badan ayaa u arkayay Abiy inuu yahay Messiah-ga,"cusub sida uu sheegay Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha Kongareeska Federaalka Oromo ee mucaaradka ah (OFC).
Inta badan Oromada ayaa gudaha dalkooda ku dareema inay yihiin muwaaddiniin heerka labaad ah, iyagoo sidoo kale dareemay in lagu ceebeeyay dhaqankooda.
Inta badan Oromada ayaa ku nool gobolka Oromia, iyadoo dalkaasi uu u kala qeybsan yahay gobollo qabaa'ileed. Haddana Addis Ababa, oo ah caasimadda Itoobiya, oo uu ku hareereysan yahay Oromia, Qaar ka mid ah Oromada ayaa sheegay in lagu ceebeeyay inay ku hadlaan Afaan Oromoo marka ay joogaan meelaha ay bulshadu isugu timaaddo, xitaa gudaha baska.
Feyisa Lilesa oo muujinaya astaanta gacmaha la is dhaafiyo ee caanka ka noqday cayaarihii Olimbikada 2016
Waxay sido kale dareemeen in dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba la gacan bidixeeyay.
Waa kuma ninka laf dhuun gashay ku noqday Abiy Axmed ee hadda xabsiga laga soo daayay?
Balse Abiy ma noqon sidii ay filayeen Oromada, isagoo bilaabay inuu xirxiro siyaasiyiin badan oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda, waxaana ka mid ah Jawaar Maxamed.
Jawaar, oo sidoo kale siyaasi ah, ayaa bishii July ee sanadkii 2020 lala xiray dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.
Mr Jawaar ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaaro doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.
Muddo kaddib bishii January ee sanadkan waxay Itoobiya sheegtay in ay xabsiga ka sii deynayso Jawar Mohammed oo ah mucaarad caan ah iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) oo xabsiga loo taxaabay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka dhacay waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda

Wax ka ogow cuntadii Nabi Nuux uu jeclaa oo bisha Muxarram laga cuno Turkiga

عاشوراء

Inkastoo digirta nooca chickpeas iyo digirta kaleba aysan caadi ahaan ahayn wax lau daro macmacaanka, haddana waxay aasaas u yihiin mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan - dadka qaarna waxayba leeyihiin, mid ka mid ah kuwa ugu dhadhanka macaan - adduunka.Weriyaha BBC-da qeybta safarka ayaa tiri, waxay ahayd maalin ka mid ah bisha January oo qabow uu jiray oo aan ku sugnaa Istanbul, Turkiga, waxaana wax iga qanciya ka dhex eegayay Göreme, oo ah dukaan qaddiimi ah oo lau iibiyo macmacaanka kuna yaalla degmada Kurtuluş. Waxaa lagu yaqaannaa macmacaanka foornada lagu sameeyo iyo kuwa caanaha laga sameeyo, dukaankan wuxuu sidoo kale iibiyaa mid ka mid ah cunnooyinka macmacaan ee ugu qadiimsanuwii uu bani'aadamku isticmaali jiray: waxaana loo yaqaannaa Ashur (Ashura).Sida laga soo xigtay taariikhda Islaamka, cuntadan Ashura- oo aalaaba loogu yeero "Macmacaankii Nuux" - waa cunto la cuno xilliyada xafladaha waxaana la sheegay inay caan ku ahaayeen qoyskii Nabi Nuux kaddib markii uu ka badbaaday Daadadkii Waaweynaa uuna degay Buurta Ararat, oo maanta loo yaqaanno dhul-xudduudeedkawaqooyi-bari ee Turkiga.Waxyaabaha gaarka u ah cuntadaan ayaa waxaa ka mid ah inay ka kooban tahay dhowr noocoo digir ah, khudaar iyo loos.Marka la sameeyo waa macaan. Marka ay kulushahay waa mishaari oo kale, marka la qaboojiyana waa sida labaniyad oo kale.Marka laga reebo inay tahay mid ka mid ah cunnooyinka ugu qadiimsan dunida, Ashura waxay leedahay barako diimeed waxaana manata laga cunaa Anatolia, oo ah dhulka uu ka kooban yahay Turkiga casriga ah.

Semer Torun, oo ah tifaftiraha Vogue iyo wargeyska GQ Turkey, ayaa maqaal ay ku qortay wargeyska Food waxay ku tiri: "Ashura waxay Carabiga la micno tahay 10 waxaana loo yaqaannaa tobanka bisha Muxarram, oo ah bisha ugu horreysa tirsiga Islaamiga ah. Cuntadan macmacaanka toddobaadkaas ayaa guryaha lagu kariyaa waxaana loo qeybiyaa saaxiibbada, waxayna muujineysaa jaceyl." Torun ayaa sheegtay in Ashura "ay tahay cuntada ugu qadiimsan dunida.

رغم أن هناك عددًا لا يُحصى من وصفات عاشوراء، إلا أن المكونات الشائعة تشمل الحمص والفاصولياء والحبوب والمكسرات والفاكهةAshura waxay ka kooban tahay dhowr nooc oo digir ah, loos, sabiib iyo khudaar"Taariikhdan waxay muhiim u tahay Muslimiinta Shiicada ah - waxayna sidoo kale muhiim u tahay Calawiyiinta iyo Bektashi - sababtoo ah waxay astaan u tahay shahiihdnimadii Xuseen, wiilka uu awoowaha u yahay Nabi Muxamad NNKH, taas oo sababtay in Shiicada iyo Sunniyiintu ay ku kala qeybsamaan Islaamka," ayay tiri Torun.Gudaha Turkiga iyo dibaddaba, waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo sameeyo Ashura. Cuntadan caadiyan khudrad un ayay ka kooban tahay oo hilib kuma jiro, waxaana ka buuxda nafaqo, waxayna aad ugu fiican tahay xilliyada qaboobaha sabbatoo ah waa cunto caafimaad leh oo ku dherjineysa.Maqaalkeeda ay u qortay wargeyska New Lines, Suna Cagaptay, oo taariikhda ka dhigtay Jaamacada Bahçeşehir ee Istanbul, ayaa waxay ku sharraxeysaa sida cuntadan ay sidoo kale u gaartay Giriigga iyo Armenia, iyo sida ay ugu faafeyso Bariga Dhexe iyo Yurub iyadoo isbeddel lagu sameeyay qaabka loo kariyo.Markii aan ahaa toddoba jir, waxana u maleyn jiray in cuntadan keliya ay cunaan Calawiyiinta. Markaan soo weynaaday ayaan ogaaday in Sunnigu ay sidoo kale sameystaan," ayay tiri Cagaptay.
خلال شهر محرم، تُطهى عاشوراء في المنازل وتوزع على الأصدقاء والجيرانInta lagu jiro bisha Muxarram, Ashura ayaa la kariyaa waxaana loo qeybiyaa deriska

Waxaan weydiiyay Cagaptay inay dib u milicsato khibraddeedii iyo tan qoyskeeda ee Ashura, waxayna sheegtay in hooyadeed ay cuntadan ka sameyn jirtay ugu yaraan siddeed waxyaabood (qamadi, sokor, sabiib, labo nooc oo digir ah, biyo, qorfe iyo loos). Waxay ahayd mid lala wadaago deriska oo caafimaad fiican leh xiriir wanaagsanna dhex digeysa deriska.

Aad ayay u adkeyd in laga hadlo cuntadan, maaddaama cuntadan ay leedahay taariikh fog iyo dhaqan ka duwan cunnooyinka kale. Sababtaas darteed ayaan u go'aansaday inaan marka hore aado Goreme, oo ah meel qadiimi ah oo ku taalla Kortuloš, oo ah deegaan xadka Giriigga ku yaalla oo taariikh fog leh, waxaana weli ku nool bulsho ka soo jeedda Armenia, Giriigga iyo Yahuud.

Milkiilaha dukaanka Ilhan Yalcin, ayaa sheegay in qaabka uu dukaanku u sameeyo Ashura, ay tahay sidii uu awowgii u sameyn jiray.

Maqaayadaha qaar ayaa bisha Muxarram sameeya cuntadan, waxaana laga yaabaa in xilliyada kale aan aad looga cunin Turkiga, sida ay sheegtay Torun.

يبيع غوريم، وهو متجر حلويات قديم في إسطنبول، وصفة بسيطة من عاشوراء تعتمد على حساء أرميني بارد

XIGASHADA SAWIRKA,PAUL OSTERLUND

Qoraalka sawirka,

Göreme, waa dukaan qadiimi ah oo ku yaalla Istanbul, kaas oo lagu iibiyo Ashura

Qoraalka Muuqaalka,

Meheradaha cuntada iyo Dhalinyarada Baraha bulshada.

Wararkii ugu Danbeeyey Shiinaha oo Gantaalo Ku Daabulaya Yurub meesha uu...

12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?

12 April 2022: Maxaa dhici doona 12-ka April, maxaase loo hadal hayaa?

Ciidanka Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa sanad walba laga xusaa 12-ka April, oo ah oo ah markii la aasaasay ciidammada Xoogga Dalka. Diyaargarow ballaaran ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar, waxayna dadka qaar sheegayaan in xuska maalintan ay ka duwan tahay kuwii hore, marka la eego sida loo hadal hayo iyo fiyaargarowga xooggan ee arrintaa la xiriira. Berri oo Talaado ah ayaa la filayaa in loo dabbaal dego 62-guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaase la is weydiinayaa maalin noocee ah ayay noqon doontaa, maaddaama aad loo hadal hayo.Siyaasiyiin ayaa ka hadlay xuska maalintan waxaana ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo sheegay in su'aal ay ka taagan tahay sababta keentay in diyaar garow ballaaran loo galo maalintan.Marka hore waxaan u hambalyeyneynaa Ciidanka Xoogga Dalka munaasaadda 12-ka April oo ah maalintii la aasaasay, laakiin waxay su'aal ka taagan tahay maxaa iyadoo saddex sano aan la dabaal degin, haddii la dabaal degaayana Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu dabaal dego wasaaradda gaashaandhigga ay tahay meesha lagu dabaal dego, maxaa keenay in la yiraahdo magaalada dhan ayaa la xirayaa dabaal deg weyn ayaa la dhigayaa, iyadoo aan ognahay in dalka ay abaaro ka jiraan oo bil Ramadaan a tahay dadna aysan heysna wax ay ku afuraan lagu bixiyo malaayiin doollar." Ayuu yiri.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay ayaa sheegay in la siyaasadeynayo dabaaldegga 12-ka April. "Waa la diidayaa, qaar baa waxay leeyihiin hala joojiyo, oo iyaga yaa siiyay awooddaas? in la diido xuska maalintan waxaan u arkaa qaran diidnimo. Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa kuwa ilaaliya dastuurka iyo xudduudaha, cirka, dhulka iyo badda,"ayuu yiri.

Wuxuu intaas raaciyay in hadda ay dib u soo dhismayaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo qalabeysan ayna hoggaaminayaan dhallinyaro wax u soo bartay dalka, isagoo sidoo kalena hambalyo u diray ciidanka.

Maxaa keenay hadal heynta maalintan?

Ciidanka Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka Baraha bulshada Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan looga hadal hayaa xuska 12-ka April, hadal heyntan ayaana ka dhalatay kaddib markii warar iska hor imaanaya ay ka soo baxeen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo xafiiska Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, kuwaas oo ku saabsanaa sugidda ammaanka Xerada Xalane oo munaasabadaha dowladda ay ka dhacaan iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

ATMIS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-16-ka bishan April gebi ahaanba la xiri doono Xerada Xalane lana joojin doono duullimaadyadii ka imaanayay Nairobi. Sababta ayay ku sheegeen inay tahay mid ammaan oo looga hortagayo suurtogalnimada ah in weerarro argagixiso ay dhacaan.

"Xiriddan waa mid tallaabo ka hortag oo caadi ah taas oo howlgalka uu sameyn jiray tan iyo sanadkii 2007 si looga hortago isku dayada ay argagixisadu ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan ammaanka xerada xilli ay jiraan khatarro sare oo dhanka amaanka ah, xilliyo dabaaldeg iyo dhaqdhqaaqyo sare oo dhanka dowladda amaba saaxiibbada ah," ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday ATMIS.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xiritaankii ugu dambeeyay ee xerada ay dhacday 17-kii December 2021 ilaa 8-ddii January 2022.

Iyadoo 14-ka bisha ay tahay maalinta lagu ballamay dhaarinta xildhibananada cusub ee Golaha Shacabka, ayaa waxay dad is weydiiyeen sida ay suurtogal ku noqon karto maaddaama la xirayo Xerada Xalane oo ah halka ay ka dhici lahayd. Hase yeeshee, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 14-ka bishan la dhaarin doono xildhibaannada labada aqal, islamarkaasna uusan waxbo iska badelin jadwalkii uu dajiyay Guddiga Doorashada Federaalka.

Maxay dowladdu ka tiri?

Ciidanka Xoogga Dalka

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin CaliTaliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin Cali, ayaa sheegay in dabaaldegga 62 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidammada diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka.Waxaan caddaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil.Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadankarno ma jirto, in cadaw aan la dagaallano mid gude iyo mid dibadba ayaa naloo aasaasay oo naloo dhisay. Ayuu yiri Janaraal Cabbaas.

Maxay mucaaradku ka yiraahdeen     Golaha Midowga Murashaxiinta oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa hambaly u diray Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo sheegay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in ay ummadda Soomaaliyeed ay u dabbaaldegto, waxayse so saareen soo jeedinno.Haddaba Golaha oo xeerinaya xaaladda abaaraha iyo sicir bararka dalka ka taagan, xilliga xasaasiga ah ee uu dalku marayo iyo dhaqanka lagu yaqaannay madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee awood iyo ciidan adeegsiga ahaa, waxa uu soo jeedinayaa in;

"Hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabbaaldegga badankeed loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daalaa dhacaya afur la'aanta bisha barakeysan ee Ramadaan."

Ciidanka Xoogga Dalka

Waxaa caado ahayd in sanad walba Soomaaliya laga xusbo maalintan 12-ka April, hase yeeshee sanadihii 2020 iyo 2021 ayaa la baajiyay dabaaldegga maalintan sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay amarkii lagu joojiyey isu imaatinka bulshada, cabsi laga qabo faafidda Corona.

Taariikhda Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aasaasay sanadkii 12-kii April 1960-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya qaadatay xornimadeeda.Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika. Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay siddeed horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Dagaalkii 1977 ay la galeen Itoobiya ayaa ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee dal deris ah ay la galaan.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka waxaa ka mid ahaa janaraal Daa'uud Cabdulle Xirsi, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, janaraal Salaad Gabeyre iyo madaxweynihii hpre ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Burburkii dalka kaddib waxaa la sheegay in dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo waayay taageero dowladeed.

Wararkii ugu Danbeeyey Turkiga oo Laga Qaaday Cunaqabataynta Hubka uu So...

Thursday, April 7, 2022

Recommended Recipe for you:

Track your liked videos in Sheets

DAAWO Shacabka Muqdisho oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalka Farmaajo iyo Roob...

DFS oo lasoo Baxday Gadiid dagaal&Reysal wasaare Geedi oo Dagaal Difaaca...

Francisco Madeira: Waa kuma diblomaasiga xuddunta u noqday khilaafka cusub ee Rooble iyo Farmaajo?

Francisco Madeira: Waa kuma diblomaasiga xuddunta u noqday khilaafka cusub ee Rooble iyo Farmaajo?
Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 48 saacadood guduhooda u qabtay in uu dalka kaga baxo wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, sida lagu sheegay warqad xalay xilli danbe ka soo baxday xafiiskaas.
Wakiilka ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in i aan dalka laga rabin iyada oo lagu eedeeyey in uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadii uu dalka u joogay. Raysalwasaaraha ayaana Midawga Afrika Ka codsaday in u yeedhaan wakiilkooda iyaga oo u hoggaansamaya go'aankiisa, soona dhaweeyey la shaqayn hoggaanka cusub ee ay magacaabi doonaan, sida uu sheegay.
Dhinaca kale, inyar ka bacdi warkaasi, Villa Somalia ayaa baahisay warsaxaafadeed kale oo kaa ka duwan oo ka hor imanaya go'aankii caydhinta ahaa ee Raysalwasaare Rooble.
Madaxweyna ayaa bogaadiyay doorka Nabad ilaalinta ee Midawga Afrika isaga oo intaas sii raacinaya in aanay jirin ogolaansho uu bixiyey oo tallaabo lagaga qaadayo danjire Madeira aannuna waxba kala socon warka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha.
Ma aha markii u horreysay ee xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo kan Madaxtooyadu ay isku khilaafaan go'aamo ka soo baxay xafiisyadooda, waxaa se arrintani u muuqataa khilaaf hor leh, xilli dalku marayo xaal doorasho, taas oo dhawr jeer oo hore dib u dhac ku yimi.

Wa kuma Madeira?
Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhashay dalka Mozambique ayaa xilkan loo magacaabay bishii October ee 2015-kii isaga oo beddelay Maman Sambo Sidikou oo ka soo jeeday Niger.
Ilaa iyo 2010, Danjire Madira ayaa ku shaqeynayay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee iskaashiga ka hortagga argagixisannimada iyo agaasimaha Xarunta ALGIERS-Stricavers-ka ee shaqaysa daraasadda iyo cilmi baarista Argagaxisonnimada.

3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay
Maxay tahay warbixinta ay dowladda Soomaaliya diidday ee "Guddiga Midowga Afrika"?
Francisco Madera ayaa sida oo kale soo noqday safiirka Mozambique u metalaya dhowr waddan oo Afrikaan ah, laga soo bilaabo 1984 ilaa 1989, iyo lataliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha dalkaas. Wuxuu xubin ka ahaa wafdiga dowladda ee wadahadalada nabada ee uu la yeeshay Renamo, kaas oo sababay in la saxeexo heshiiskii Guud ee Nabadda ee Rome ee ku aaddanaa Mozambique.
Wuxuu qabtay sida oo kale xilal wasiirnimo, isagoo ahaa, 1995 ilaa 1999, wasiirka xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha baarlamaanka iyo, laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa 2010, wasiirka xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadeed.
Magacaabistiisa ahayd Madaxa Cusub ee AMISOM ayaa timid waqti ay isku dayeyaan in ay dadajiyaan xasilinta Soomaaliya, si ay wadada ugu xaadhaan doortaan doorashadii guud ee 2016.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa se dhawaan u codeeyay in AMISOM lagu bedelo howlgalka kala guurka ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Muddo 15 sano ah, askarta Afrikaanka ah waxay isku baddalayeen Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah 20,000 oo askari oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay inay dawladda dhexe ee taagta daran ka difaacaan Islaamiyiinta ah ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo la aas aasay sanadkii 2007-dii ayaa waxaa sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loo xil saaray la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab oo isku dayaya in ay afgambiyaan dowladda Muqdisho ka dhisan.
Ciidamada oo laga soo aruuriyay guud ahaan Afrika, ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, taasoo abuurtay xasilooni ku filan oo ay ku dhismaan hey'adaha dowladda iyo kuwa federaalka, waxaana la qabtay labo wareeg oo doorasho ah.
Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.

Diblomaasiyiin horay loo eryay
Sanadkii la soo dhaafay ayay xukumadda Soomaaliya dalka ka eriday ku xigeenka ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in Mr Mulongo uu "ku kacay dambiyo waaweyn, go'aanka dalka looga eryayna uu ahaa mid loo baahnaa in mar horeba la qaato". Mulongo wuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kaldalka ka eriday ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom seddax sano ka hor, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayay madaxbanaannida Soomaaliya.
Go'aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go'aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas.
Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay

Sababta Kenya Darbiga uga Dhistay Xuduudka Soomaaliya | Dhulmar p2

Lafta Gareen “”Isbaaro ayaa shakhsiyaad u dhigteen kuraateennii” Mana ye...

Wararkii ugu Danbeeyey Gabdhaha uu Dhalay Madaxweynaha Ruushka oo La Bee...

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Kadhex Taagan Farmaajo & Rooble Saraakiis...

Tuesday, April 5, 2022

Recommended Recipe for you:

Automatically have the texts you receive on your Android phone sent to your email

DFS oo Ciidankii ugu badnaa iyo Hub dagaal geeysay Madaxtoyada&Xildhibaa...

Waan U Mahad Naqayna Farmaajo & Cidkasta Oo Soo Xasuusatay Suuqa Waheen"...

XOGTA Sheekada Cajiibka ee Turkiga Ku Dhigay Masar iyo Israel Kuna Qabsa...

🕋🕋صلاتي التراويح والتهجد بالمسجد الحرام مباشر | المسجد الحرام مباشر | حر...

mashaqada kq k“ alooewn

<iframe width="400" height="500" frameborder="0" src="https://www.bbc.com/somali/av-embeds/60940779"></iframe>pp

Wararkii ugu Danbeeyey Xogta Dilka lala Damacsanyahay Rooble & Farmaajo ...

آخر التطورات الميدانية في اليوم الـ41 لحرب روسيا على أوكرانيا

Gen Odowaa oo Amray in lasoo Qabto Yuusuf Indhacade&Mucaaradka oo Kenya ...

Monday, April 4, 2022

Recommended Recipe for you:

Get an hourly notification to drink a glass of water

🕋مكه المكرمه مباشر الان | الحرم المكي مباشر | مكة مباشر | بث مباشر الحرم...

DEG DEG| madaxweynaha ukraine o caasimada kabaxay iyo maraykanka o hadla...

Ruushka Oo Ka Guuleystay Cunaqabateyntii Reer Galbeedka & Putin Oo Taage...

WARKA HABEEN EE SNTV 04.04.2022.

Most DANGEROUS Weapon of Russia- Threat to America

Next Generation LASER WEAPONS Are Coming

DEG DEG| dagaalka ukraine oo siiwaynaaday iyo faransiiska o weerar qaada...

Wararkii ugu Danbeeyey Turkiga oo Fariin Cadho Leh udiray israa'iil Tala...

Farmaajo,Fahad oo heshiis la galay Saraakiishii badbaado Qaran&Xukunada ...

XOGTA Ruushka Oo Si Aan Horay Loo Arag u Baabi'yay Ukraine & Masiirka RW...

Saturday, April 2, 2022

Recommended Recipe for you:

Tweet your Instagrams as native photos on Twitter

Maxaa Looga Cabsi Qabaa Ciidamada Jarmalka ee Dib Loo Dhisayo | Xulashad...

XOGTA: Afgambiga Dalka Pakistan & Wararkii u dambeeyay Gubashada Suuqa H...

Wararkii ugu Danbeeyey Hindiya oo Kusoo Biirtay Safka Hore ee Ruushka Da...

Wararkii ugu Danbeeyey Shiinaha oo Difaacay Ciidamada Soomalaiya Tababar...

Al Jazeera Arabic Live الجزيرة البث الحي | البث المباشر

Wararkii ugu Danbeeyey Ruushka oo Cirka & Dhulka Maanta Ka Weeraray Caas...

suuqa waaheen oo basbeelay ganacsatadii reer soomaaliland na ay ku ceyroobeen



Suuqa Waaheen ee Hargeysa "hanti malaayiin doolar ah" ayaa ku gubatay
Dabka baabi'iyay suuqa Waaheen ee Hargeysa
Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi'iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dabdamiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn wadooyin waafi ah oo loo maro.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa tan iyo waqtigan waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba'day.

Ilaa hadda lama sheegin dad ku dhintay balse hanti ayaa ku gubatay dabka.

"Waxaan deganahay suuqa Waaheen Bacdlaha Hargeysa, muddo 20 sanadod ayaan degenaa 10 mehradood ayaa iiga gubtay, aniga mehradaheydu waxay ahaayeen qurxinta guryaha wixii oo dhan wey gubteen" ayuu yiri Baasho Bushaaro oo kamid ah ganacsatdii hantida uga gubtay dabka.

"Umaddiina wey ku ceyroowday suuqa, xaaladda umadda caawa waa mucsir , hanti wixii suuqa yaallay waxbo ka aanay bixin laakiin waa wax Ilaahey qaddaray"


,
Cabdiraxmaan Ibraahim oo kamid ah ganacsatada hantidooda ku burburtay dabka

Cabdiraxmaan Ibraahim oo kamid ah ganacstada ay hantidooda uu baabi'iyay dabka ayaa BBC u sheegay in saddex mehradood ay kaga gudbteen goobta.

"Magaalada waxaan ku lahaa saddex mehradood waad arkeysaan waa jiingadahaa iyo dambaskaa,saddexda mehradood waxaa iiga burburtay ilaa 70,000"

Dabkan ayaa haatan intiisa badan la damiyay inkasta uu khasaasre xooggan dhaliyay.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in sababta si deg deg ah loogu xakameyn waayay dabka ay aheyd in la waayay waddo loo maro goobta taasina ay horseeday in holaca uu qabsado suuqa isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday.

Shacabka, ciidamada iyo kuwa dab damiska ayaa dadaal ugu jiray sidii loo xakameyn lahaa dabka.

"Waxaan ahay mayir magaaladiisa gubatay, hantidiisa baaba'day, dhaqaalihii dadkiisu baaba'ay" ayuu yiri, mayirka Hargeysa, Cabdikariim Mooge oo u warramayay BBC-da xilli uu aad uga argagaxsanaa dhacdada.

Lama ogo sababta ka dambeysay dabkan, inkasta oo ay wararka sheegayaan in markii uu hore ee dabka ka bilowday guri ku yaalla suuqa kaas oo markii dambe ku fiday gebi ahaanba suuqa Waaheen.

Dhanka kale gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in 40% hantidii Hargeysa ay halkaasi ku burburtay.

Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa carrabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay in la garab istaago dadka cayrtoobay, iyadoo uu dhanka kale tibaaxay in ganacsatadu ay qeyb ku leeyihiin khasaaraha uu dabkaasi gaystay maadaama buu yiri ay ka cagajiideen inay dhagaystaan codsiyadii ka imanayay xukuumadda ee ahaa in la furo waddooyinka suuqa.

Wuxuu intaa ku daray in hanti dhan malaayiin doolar ay ku gubatay suuqa.

"Meesha wi baaxad weyn baa loo dagay, dariiqyada badan oo laga soo galo ama mid laga galo wey ku yar yihiin, dhibaatada ugu badan ee dab damiska u suurtageli weyday inuu gudaha galo , dariiqyada xiran weeye, dariiqyada aad u xirnaa, hanti malaayiin doolar ayaa ku gubatay dabka" ayuu yiri guddoomiyaha Rugta ganacsiga ee Somaliland

Wararkii ugu Danbeeyey Ruushka oo Cirka & Dhulka Maanta Ka Weeraray Caas...

Friday, April 1, 2022

Recommended Recipe for you:

Mail me free games with Steam keys posted to /r/gamedeals

Soonka: Xagee laga arkay dhalashada bisha Ramadaan?

Soonka: Xagee laga arkay dhalashada bisha Ramadaan?

Bisha


Qaar ka mid ah culimada Muslimiinta ayaa xaqiijiyay in berito ay tahay maalinta koowaad ee Soonka kaddib markii meelo kala duwan laga arkay dhalashada bisha.

Maxkamadda ugu sarraysa ee waddanka Sacuudiga iyo goleyaasha Muslimiinta ee qaar ka mid ah waddamada Bariga Dhexe ayaa ku dhawaaqay in barito oo Sabti ah, taariikhduna ku beegan tahay 2-da bisha April, ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan.

Sidoo kale, qoraal lagu shaaciyay bogga baraha bulshada ee labada xaram ee barakeysan ayaa lagu yidhi: "Bisha Ramadan waxaa maanta laga arkay meelo kala duwan oo ka mid ah Sacuudiga, sidaas awgeed bisha Shacbaan waxay ku dhammaatay 29, barito oo Sabti ah, 2-da April, waa maalinta koowaad ee bisha Radaman".Muslimiin badan oo caalamka ku nool ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku diyaarinayay 30 bari oo soon ah, iyagoo diyaarsaday qalabka iyo cuntooyinka ay u baahan yihiin inta lagu jiro bishaas.

Inta badan waxay dadku sameystaan raashin uu soonka caan ku yahay sida saambuuska iyo waxyaabo la mid ah.

sambuuska

Isla caawa Xaramka waxaa ka billowday tukashada salaadda taraawiixda oo la oogo 30-ka bari ee ramadaanka.

"Barito Waa soon"

Dhinaca Soomaaliya ayaa meelo ka mid ah laga arkay Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada ugu caansan Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in barito oo Sabti ah ay tahay Soon.

Deegaannada Soomaalida qaar oo laga soomayo barito

Qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida, oo ay ku jiraan magaalooyinka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa looga dhawaaqay in barito oo Sabti ah la soomayo bisha barakaysan.

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya laga soomayo caawa, sida uu kusoo warramay wariyaha BBC-da ee halkaas ku sugan, Ismaaciil Buurgaabo.

Hase ahaatee, ilaa haddana, meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah ayaa shacabka lagu wargeliyay in bari aysan ahayd Soon, bsihiina aan la arkin.

Soonka ayaa ah mid ka mid ah shanta tiir ee Diinta Islaamka, isagoo la mid ah qiritaanka kelinimada Alle iyo nabigiisa Muxammad NNKH, shanta salaadood ee maalin kasta waajibka ah, Sakada iyo gudasha xajka ee kacbada.