Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta banaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Banaan-baxaas oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsaday inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.
Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.
“Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan maanta kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhigto inaad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo waxaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula hadlay warbaahinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.
Sanadkii 2019-kii ayaa dalka laga daabulay dhalinyaradaas oo ilaa hadda aan faahfaahin laga bixin nidaamka loo qaaday, balse waxaa la sheegay in lagu siray in dalka Qatar tababar iyo shaqo loo geynayo, laakiin Eritrea loo dhigay, welina ma jirto cid warbixintooda dadka la wadaagtay.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle.
Qaraxaasi ayaa wararku intaasi ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay wariyayaasha in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.wariyaha channelkeena ayaa la xiriirray saraakiisha booliska si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.
Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine waxa isa soo taraya saamaynta uu dunida ku yeeshay, waxaana dalalka Finland iyo Sweden ay maalmahanba si weyn u raajicinayay inay ka mid noqdaan isbahaysiga NATO, iyadoo Ruushku uu diidan yahay inay ka mid noqdaan.
Warbixin arintan ku saabsan waxa magaalada London noogu soo diyaariyay wariyaha timajilicnews ee London sadiq Abdulqadir sa,eed
Haddii aad siddeed saacadood ku dhawaad gaadhi u kaxaysato waqooyiga Moscow, waxaad iman doontaa magaalo ya oo la yidhaahdo Russko-Vysotskoye.
Ma jiraan wax weyn oo halkan lagu arko, marka laga reebo beertii digaagga iyo kaniisadda lagu soo koobay burburka dagaalkii labaad ee aduunka.
Laakiin waxaa jira hal shay oo magaaladan ka jira oo si gaar ah indhaha u soo jiidaya: xarunta wax iibsiga ee deegaanka.
Dmitry Skurikhin ayaa iska leh dhismahan - waana inaad aragto waxa uu ku sameeyay xagga hore ee dhismihiisa. Waraaqo waaweyn ayuu ku sawiray "Nabadda Ukrayn, Xoriyadda Ruushka!" Rinjiga casaanka ah wuxuu ku taxay magacyada magaalooyinka Yukreeniyaan ee ay weerareen ciidamada Ruushka.Mariupol, Bucha, Kherson, Chernihiv, iyo kuwo kale oo badan.
"Waxaan u maleynayay in tani ay tahay hab wanaagsan oo lagu helo macluumaadka halkas ka jira," Dmitry ayaa BBC-da u sheegay.
"Sababtoo ah dhowrkii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalkan, dadkeennu ma garaneyn waxa dhacaya, waxay u maleeyeen in nooc ka mid ah howlgal gaar ah oo lagu doonayay in dadka balwadda leh looga saaro dowladda Ukraine, ma aysan ogeyn in Ruushku uu duqeynayo Ukrain iyo magaalooyinkeda." Dmitry ayaa xitaa saqafka sare ee dukaankiisa u rogay calan weyn oo huruud iyo buluug ah oo Yukreeniyaan ah.
Intii aannu la joognay waxa uu ku daray magacyadii magalooyinka ku qornaa meesha magacyo hor leh.
Borodyanka, Odesa, Irpin… qoraalka magaalaooyinks rinjiga xaddhaafka ee ku qoran ayaa hoos uga dareeraya darbiga, taas oo ka dhiig cas, gudbinaysana farriin cad.
Dmitry wuu ogyahay in waxa uu samaynayo aanay khatar la'aan ahayn. Ruushka mudaaharaadyada dadwaynaha ayaa inta badan ku dhamaada dacwad-ku qaadid ama hanjabaad ama labadaba.
Qof ayaa mar hore albaabkiisa ku xardhay "khaa'in" Waxayna booliisku sameeyeen inay soo booqdaan. Ka dib waxaa lagu ganaaxay inuu sumcadda ka dilay ciidamada qalabka sida ee Ruushka.
Dmitry se waa mid aan waxaas u joojinayn.
"iskama fadhiyi karin aniga oo aan xaaladdan wxba ka qaban karin. kolkaa arrintani waa dareen gudeed oo igu jira, kas oo aan ku qeexayto waxa aan dareemayo"
Kremlin-ka waxa ay jecel yihiin in uu u muujiyaan in madaxweyne Vladimir Putin uu yahay hoggaamiye ay taageerayaan dadkiisa.
"Haddii aad waydiiso dadka halkan jooga, ma waxay taageersan yihiin dagaal u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, oo lagu duqeeyo magaalooyinka, oo lagu daro dhammaan cawaaqibka sida saboolnimada iyo gaajada, waxay odhan lahaayeen: 'Ma waalan tahay?!'" Dmitry ayaa yidhi.
Bannaanka xarunta wax-ka-iibsiga, waxaan ku weydiinnay dadka ag maraya sida ay u arkaan mudaaharaadyada rinjiga ah ee Dmitry.
"Waxa ay ahayd in uu sawirro ku sawiro, sidani waa doqonniimo" ayuu yidhi qof ka mid ah dadkii.
Qofka ku xiga ee aan weydiinno waxa uu noqday Dmitry, macallinkiisii maaddada bayoolijiga ee dugsiga 87 jir ah.
"Ma jiro qof doonaya dagaal, weli waxaan xusuustaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka," ayay tiri Maria Nikolaevena. "Laakin wax walba aad bay u wanaagsan tahay in la yidhaahdo dooni mayno dagaal. Waxaa laga yaabaa in dawladeenu si fiican u garanayso taas."
"Waxa uu xaq u leeyahay in uu ra'yigiisa dhiibto," ayuu yidhi nin dhallinyaro ah oo la yiraahdo Anton. "Anigana waxaan ka walwalsanahay, sidoo kale, arrimaha Ukraine, sababtoo ah weerarrada, bamgaraynta waddan deris ah ah waa wax la yaab ay tahay in la sameeyo."
Dmitry Skurikhin wuu ogyahay in rinji uusan keenayn nabad.
Laakiin haddii mudaaharaadkiisu uu dadka magaalada ku nool ka dhigo mid u soo joogadaan, ka fikiraan, xitaa su'aal iska weydiiyaan waxa dhacaya - wuxuu rumaysan yahay - inay qiimo leedahay.
Balse dhaqaalaha dalkaas ayaa waxaa sanadahan dambe curyaamiyay cunaqabateyno iyo cimilada oo aad u kulul abaarana ay ka dhaheen.
Xiritaanka xudduudaha dalkaas iyo xayiraadda adag ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay.
XIGASHADA SAWIRKA,KCTV
Kuuriyada Waqooyi ma heshaa caawinaad?
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku gacan seyrtay daawooyin uu Shiinuhu sameeyay, sanadkii hore, waxayna sheegtay in sidoo kale ay diidday caawinaad kale oo loo soo marsiiyay barnaamijka qeybsiga tallaalka ee Covax.
Kuuriyada Koofureed ayaa sidoo kale sheegtay inaysan wax jawaab ah ka helin caawinaaddii daawo iyo shaqaale ee ay u fidisay dhiggeeda Waqooyiga.
Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inay dhowaan saddex diyaaradood oo daawooyin soo qaada u dirtay Shenyang oo Shiinaha ka tirsan.
Dawooyinkan kuma jiraan kuwa ka hortaga xanuunka safmarka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, balse ay "diyaar u ahayd inay la shaqeyso Kuuriyada Waqooyi… gacanna ku siiso la dagaallanka coronavirus".
Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush ayaa wajahaya dhaleecayn ballaaran kaddib markii uu si aan ku talogal ahayn Vladimir Putin ugu cambaareeyay weerarka lagu qaaday "Ciraaq", isagoo markii dambe hadalkiisa saxay oo sheegay inuu ula jeeday Ukraine.
"Natiijada ayaa ah in markii aanay gudaha Ruushka ka jirin cid eegta oo isu dheelli tirta [talaabooyinka dowladda], iyo marka go'aanka hal nin lagu qaado dagaal ballaaran oo aanan cudurdaar lahayn oo gardarro ah kaas oo lagu galay Ciraaq - waxaan ula jeedaa Ukraine," ayuu Bush yiri habeenkii Arbacadii mar uu khudbad ka jeedinayay xaruntiisa madaxweyne ee Dallas, ee gobolka Texas, halkaas oo uu uga hadlayay muhiimadda ay leedahay doorashada caddaaladda ah.
75-jirkan hore madaxweynaha uga soo noqday waddanka Mareykanka ayaa si kaftan ah khaladka ka dhacay ugu eedeeyay da'diisa, oo intuu madaxa ruxay isagoo doonaya inuu khaladka uu sameeyay saxo ayuu ka qoslisiiyay dadkii khudbaddiisa daawanayay.
"Ciraaq xitaa waa sidaas oo kale - sikastaba oo uu xaal ahaadaba," ayuu ku daray, ka hor inta uusan arrintaba ka gudbin isagoon wax sharraxaad ah ka bixin
Mr Bush waxa uu madaxweyne ka ahaa Mareykanka markii dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayay lagu qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, waxaana waddankaas lagu eedeynayay inuu haystay hubka wax gumaada, inkastoo aan laga helin.
Falcelinta barta Twitterka
Dad badan oo ka mid ah kuwa isticmaala barta Twitterka ayaa si wayn uga falceliyay hadalka uu jeediyay madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush, dadkaas oo isugu jiray kuwa aad u dhaliilayay, kuwa ka maadaysanayay iyo kuwa u cudurdaarayayba.
Hasayeeshee waxaannu halkan idinkugu soo gudbinaynaa qaar ka mid ah kuwii dhaliiyay iyo kuwo ka maadaysanayayba.
Marisa Kabas oo barteeda Twitterka ay dad badan ku xiran yihiin ayaa iyadoo ka falcelinaysa hadalka George W. Bush waxa ay sheegtay in haddii ay jirto wax ay u sheegi laheyd wiilkeeda 17-jirka ah ay u sheegi laheyd in Bush ay 17 sanadood ku qaadatay inuu qirto in sabab la'aan uu ku weerraray Ciraaq.
John Fegulsang oo ah jilaa dadka madadaaliya ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in George W. Bush uusan hadalkaas ka fakan balse qirtay wixii uu hore u sameeyay.
Qof kale ayaa isna ku doodaya in George W. Bush uu ku dhiiraday wax dadka kale ay ku dhiirran waayeen. Aad baanan ugu faraxsanahay in haatan arrintaas la aqbalay.
Qof ka mid ah dadka isticmaala barta Twitterka ayaa arrinta cirka galiyay oo sheegay in Bush uu qirtay dambiyadii dagaal ee uu gaystay, arrintaas oo isaga la ah wax lagu kaftamo.
MI5: BBC-da oo daabacday warbixin ku saabsan nin sirdoon ah oo muddo laga hor taagnaa
Digniin: Muuqaalkan waxaa ku jira sawirro naxdin leh
Nin jaajuus ah oo ka tirsan hay'adda sirdoonka gudaha ee dalka Ingiriiska - oo magaceeda loo soo gaabiyo MI5 - ayaa awooddiisa shaqada u adeegsaday si uu ugu argagixisyo haweeney saaxiibtiis ah, isagoo kaddibna dibadda u aaday si uu shaqadiisa basaasnimada usii wato xilli uu baaritaan ku socday.
BBC-da ayaa ogaatay xogtan oo ay dabagal ku samaysay.
Muuqaal la helay ayaa muujinaya ninkaas oo haweeneyda ugu hanjabaya inuu dilo, waxa uuna ku weeraray baangad.
Ninkan oo ajnabi ah magaciisa lama xusi karo, inkastoo caddeymo loo hayo in uu halis ku yahay dumarka, maadaama ay dowladdu maxkamad ku dacwaysay BBC-da si ay uga hor istaagto in la daabaco xogta.
Caddeymaha ayaa muujinaya in uu jaajuuskaas yahay xagjir ka tirsan garabka midig-fog, horayna u sameeyay waxyaabo qalalaase ah.
Kiis adag oo maxkamadda ka dhacay ayay shirkadda BBC-da ku doodday in haweenku ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan magaca iyo aqoonsigan ninkan, taasina ay dad kale ka ilaalinayso dhibaato soo gaarta.
Balse waxaa lagu guulaystay oo keliya in la iska celiyo isku daygii ay dowladdu ku doonaysay in lagu hor istaago daabicidda sheekadan.
Beth, oo ah muwaadinad u dhalatay Britain ayaa ninkan basaaska ah kula kulantay barnaamij online ah oo lagu haasaawo. Lamaanaha ayaa gaaray ilaa heer ay si wadajir ah isula dagaan guri ku yaalla UK.
Markii hore, sida ay sheegtay, waxa uu ahaa "nin aad u fiican". Waxay u muuqdeen in ay meelo badan isku dabeecad ka yihiin.
Balse muddo kaddib, waxaa la ogaaday inuu yahay nin fikir xagjirnimo ah aaminsan, aadna u jecel qalalaasaha.
Waxa uu keensaday hub, waxa uuna ku khasbay in ay daawato muuqaallo ay kooxo argagixiso ah soo duubeen oo ku saabsan dad la dilayo, sida ay sheegtay.
Markii hore waxa uu ka qariyay magaciisa dhabta ah. Baaritaan ay BBC-du samaysay ayaa lagu ogaaday in ninka oo magaciisa aan u adeegsanayno xarafka "X" uu dhowr sano lasoo shaqeeyay hay'adda sirdoonka ee MI5.
Mid ka mid ah muuqaalada la helay ayaa laga arkayaa ninka sirdoonka ah oo Beth ku weeraraya baangad.
Beth telefoonkeeda muuqaal uga duubtay weerarka
X codkiisa ayaa muuqaalka laga maqlayaa isagoo sheegaya in uu dili doono gabadha, kaddib qolka ayuu ka baxayaa waxa uuna soo laabanayaa isagoo baangad wata - baangaddii ayuuna markaas kaddib madaxa ka saarayaa.
Marka ay u sheegto in muuqaalkan la gaarsiin karo booliska, X waxa uu bilaabayaa inuu weeraro isagoo hub gacanta ku haysta. Muuqaalka ayaa go'aya iyadoo qaylinaysa.
Waxaa haweeneyda u suurta gashay in ay iska dhiciso, balse saacado kaddib ayuu mar kale ku soo weeraray mindi, isagoo isku dayay in uu qoorta ka jaro. Waxa ay sheegtay in ay gacanta ka qaniintay si ay isga celiso.
Booliska ayaa tagay gurigooda marka uu weerarkaas dhacay kaddib, balse baaritaanka BBC-da ayaa muujinaya in tallaabada booliska ay ku dheehnaayeen arrimo aad u culus.
X waa la xiray, waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu weeraray Beth, maxkamad ayuuna kasoo muuqday.
Beth waxay sheegtay in X uu kusoo laabtay guriga uuna sii waday tacaddiga uu kula dhaqmayay.
Boolisku xog dhammaystiran kama aysan qaadanin Beth mana aysan ka qaadanin muuqaalka muujinaya in weerar loo gaystay.
Lamanaahan muddo dheer kuma aysan nagaanin wadajir. X ayaa Beth ka saaray guriga, isagana waxa uu baxay xilli uu ku socday baaritaan.
Mar ay boolisku baareen guriga uu weerarka baangadda ka dhacay, waxay heleen qalab muujinaya xagjirnimo - oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in X uu yahay Nazi (dadka aaminsan fikirka yuhuud nacaybka ah).
BBC-da ayaa aragtay caddaymo ay hayaan booliska, sida buug uu qoray X oo uu kaga hadlay dilka "yuhuudda". Waxa uu sidoo kale wax ka qoray inuu dilo Beth.
Saraakiisha booliska maxaliga ah ayaa wacay waaxda la dagaallanka argagixisada, kuwaasoo markii ay goobta tageen la wareegay qalab kala duwan.
Baaritaan ku saabsan argagixisannimo ayaa lagu bilaabay X balse waxa uu UK ka tagay isagoo wali baaritaankaas lagu wado.
Dhowr isbuuc kaddib bixitaankiisa, Beth waxaa ku dhacay xanuun dhanka dhimirka ah, isbitaal ayaana la dhigay.
Intii ay isbitaalka ku jirtay, qaar ka mid ah alaabteedii ay la wareegeen laanta la dagaallanka argagixisada ayaa loo soo celiyay qoyskeeda, waxaana halkaas geeyay nin aan magaciisa iyo aqoonsigiisa sheegin.
Qoysku waxay qiyaaseen in uu yahay qof ay isla shaqeeyaan X. Beth iyo qoyskeedaba ma aysan ka war qabin inuu socday baaritaan ku saabsan argagixisannimo.
Markii Beth isbitaalka laga soo saaray waxay cabasho u gudbisay booliska maxaliga ah, waxayna waydiisay sababta loo joojiyay kiiska, sababta loo qaatay alaabteeda iyo sababta uu qof aan la aqoonin usoo celiyay.
Boolsika ayaa hal sano ku qaatay inay waraysi ka qaadaan haweeneydan, waxayna ugu dambayn u sheegeen in aysan jirin wax la eego maadaama wax walba horay loo baaray. Taasi run ma ahayn.
Inta ay socotay cabashada ay Beth u gudbisay booliska, waxaa loo sheegay in boolisku aysan wax xog ah ka haynin la wareegista alaabteeda, balse ay ka war heleen in alaab la qaaday loona celiyay X.
Saraakiisha booliska u hadlay waxay sheegeen in aysan iyagu qaadin qalabka, baaritaankodana u adeegsanin, wax macluumaad ahna aysan ka haynin arrintaas".
Taasi run ma aha, maadaama boolisku markii ay walaac dareemeen ay durbadiiba waceen laanta la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale run ma aha sheegashada booliska ee ku saabsan in alaabta loo celiyay X - sababtoo ah alaabtaas waxaa loo geeyay hay'adda MI5.
BBC-da ayaa heshay xog sheegeysa in X markii uu dalka ka baxay uu tagay dibadda islamarkiina uu ka shaqo billaabay hay'ad sirdoon oo ajnabi ah.
Sirdoonka Mareykanka: Kuuriyada Koonfureed oo tarxiishay labo basaas oo ka socday Joe Biden
Labo nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la saaray diyaarad dib ugu celisay dalkooda kaddib markii ay ku lug yeesheen "muran buuq dhaliyay" oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.
Raggan - oo qayb ka ahaa wafdi hor dhac ah oo Madaxweyne Biden uga sii hor maray Kuuriyada Koonfureed oo uu dhawan booqasho ku tagayo - ayaa cabitaan u doonto baarar kala duwan oo khamriga lagu cabo, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka.
Mid ka mid ah labada xubnood ee ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu muran gacan ka hadal watay la galay darawal Taksi oo maxali ah.
Ma jirin cid la qabtay ama loo xiray arrintaas balse booliska magaalada Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay dhacdada.
"Hay'adda sirdoonku way ka war qabtaa in ay dhacdo aan shaqada ku saabsanayn ku lug yeesheen labo ka mid ah shaqaalaheeda, taasoo noqon karta ku xad gudub nidaam", ayuu yiri afhayeen u hadlay laanta Sirdoonka Mareykanka oo bayaan soo saaray.
Waxa uu sarkaalkani sheegay in labada nin ee shaqaalaha ahba loo diray fasax uu maamulka ka warqabo, maqnaanshahoodana uusan saamayn ku yeelan doonin safarka Mr Biden.
Socdaalka uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagayo Seoul ayaa noqonaya lugta koowaad ee booqasho afar maalmood ah oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Aasiya, xilli uu gobolkaas kusii kordhayo walaaca laga qabo awoodda militeri ee Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.
Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta ay BBC-da bah wadaagta yihiin ee Mareykanka ku taalla, CBS News, in labada xubnood ee sirdoonka ka tirsan - oo kala ah wakiil khaas ah iyo khabiir amni - loo diray dalkooda hooyo galabnimadii Jimcada ee maanta.
Waqtiga la tarxiilay ayaa ahaa qiyaastii hal saac ka hor inta uusan Madaxweyne Biden booqashadiisa rasmiga ah ku tegin caasimadda Kuuriyada Koonfureed.
Sida ay tebisay warbaahinta CBS, maamulka ayaa baaritaan ku samayn doona in raggan ay saqraan ahaayeen xilliga ay arrintu dhacaysay, halkii la baari lahaa dhacdada lafteeda.
Ma cadda sida uu ku billowday gacan ka hadalka dhex maray sirdoonka iyo ninka darawalka ah.
Labada xubnood ayaa marka uu dagaalku dhacayay ku sii noqonayay hoteelka ay daganaayeen ee Grand Hyatt.
Booliska maxaliga ah, ciidanka amniga hoteelka iyo labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ku soo baxeen dhacdada.
Booliska Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay mid ka mid ah shaqaalaha sirdoonka, iyagoo waraystay dhinacyada kale, balse waxay go'aansadeen in aysan xarig samaynin ama dacwad furin.
NATO: Xiisad cusub oo ka dhex bilaabatay Turkiga iyo labo waddan oo Yurub ka tirsan NATO: Xiisad cusub oo ka dhex bilaabatay Turkiga iyo labo waddan oo Yurub ka tirsan
Dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine 24-kii bishii February waxa uu abuuray walaac ay dalalka qaarkood ka qabaan amnigooda, gaar ahaan waddamada ku yaalla qaaradda Yurub.
Suurtagalnimada in dagaalkan - oo ah kii ugu waynaa ee Yurub ka dhacay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka - uu ku fido waddamo kale ayaa dhalisay walwal amni oo soo food saaray dalalka aan xubnaha ka ahayn Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee NATO. Tan iyo markii Ukraine la weeraray, dalkii ugu horreeyay ee dalbada in uu Nato ku biiro waa Finland, oo xuduud dhirirkeedu yahay 1300 oo kiiloo mitir la wadaaga Ruushka. Finland waxa ay doonaysaa inay ka faa'iidaysato qodobka 5-aad ee gaashaanbuurta Nato oo ku saabsan sugidda amniga saaxiibbada. Sweden ayaa noqday dalka labaad ee soo raaca jidka uu maray waddanka ay deriska yihiin ee Finland, waxayna dowladda Sweden sidaas kusoo afjartay dhaqan u yaallay muddo 200 oo sano ah oo dhigaya inay dhexdhexaad ahaato.Tallaabada labadan dal waxaa loo arkaa mid taariikhi ah, Mareykanka ayaana durba ku dhawaaqay in uu si buuxda u taageersan yahay rabitaankooda.Hase yeeshee, Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah NATO ayaa hor taagan in Finland iyo Sweden ay ka mid noqdaan Nato, taasoo xiisad cusub ka dhex abuurtay dhinacyada.
Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm Ujeeddada ay Ankara u diiddan tahay isku dayda labada dal ee reer Yurub waa in ay dalalkaas ka mid yihiin dowladaha taageera kooxaha PKK iyo YPG oo Turkiga looga arko ururro argagixiso ah.Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa si kulul uga hadlay mowduucan, isagoo sheegay "in uusan marnaba aqbali doonin in kooxo argagixiso ah ay qayb ka noqdaan Nato".Mowqifka Turkiga ayaa albaabka u furay xasarad cusub oo ka bilaabatay isbahaysiga Nato gudihiisa. Waxaase su'aalo la iska waydiinayaa sida ay dalalkan iyo xunbaha kale ee Nato arrinta uga dhaadhicin karaan Turkiga.
Muxuu Turkiga uga soo horjeestay rabitaanka Finland iyo Sweden?
Turkey oo Nato xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1952-kii waxa uu mar walba mowqif ka taagnaa isla markaana taageeri jiray hannaanka albaabka furan ee NATO, oo waddamo badan uu kusoo dhaweeyay. Xitaa xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee dunida waxa uu aqbalay in isbahaysiga ay kusoo biiraan waddamo horay uga tirsanaan jiray Midowgii Soviet ee Ruushka, kuwaasoo kusoo qulqulay gaashaan buurta intii u dhaxaysay 1999-kii ilaa 2004-tii.
Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden Balse sababta uu u diiddan yahay isku dayda Sweden iyo Finland waa in labadan waddan ee reer Scandinavia aysan taageersanayn dagaalka uu Turkiga kula jiro kooxaha uu ugu yeero argagixisada iyo waliba in ay si buuxda u garab taagan yihiin jabhadda YPG ee ka dagaallanta waddanka Suuriya, qaybtana ka ah ururka PKK. Xukuumadda Ankara ayaa Finland iyo Sweden ku eedeysa inay marti geliyaan xubnaha PKK.Waxa uu Turkiga sidoo kale Sweden ku eedeeyaa in ay qalab militeri iyo dhaqaale ku caawiso dagaalyahannada kooxda YPG.
Isagoo taas ka aargoosanaya ayuu Turkigu ku gacan sayray dalab ay Sweden ku doonaysay in loo soo gacan geliyo 21 qof oo ay dambiyo u haysato, halka Finland uu u diiday inuu ku wareejiyo 12 oo ay doondoonayso.Labadan waddan ayaa horay Turkiga ugu soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah kaddib markii ay Ankara billowday howlgalka militeri ee waqooyiga Suuriya sanadkii 2019-kii.