https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: GABAY : SAYYID CABDULLE XASAN
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Saturday, January 8, 2022

GABAY : SAYYID CABDULLE XASAN

Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye! Go’na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e! Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye! Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde! Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e! Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah. Waa gabayga ‘Gudban’ amase ‘Gaalo-leged’ lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen. Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa: “Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa’. “Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen. Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen’. Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:

No comments: