https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Monday, January 17, 2022
barlamaanka Uk ma wuxuu aqoonsan doonaa madax banaanida soomaalilaand
Baarlamaanka UK ma waxa uu aqoonsan rabaa Somaliland?
5 Saacadood ka hor
Gavin Williamson
Qoraalka sawirka,
Xildhibaan Gavin Williamson
Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire
Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaa ayaan la fileyn in wax go'aan ah uu ka gaaro baarlaamka.
Ma aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.
Bishii December 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd "maxmiyad ay Britain xukumi jirtay".
Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.
Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoosan yihiin "madax bannaanida" Somaliland, walow taaso aysan wax badan soo kordhin.
Kenya ma waxa ay aqoonsatay Somaliland?
Wargeyska Daily Nation: Kenya waxa ay xiriir dublamaasiyadeed la yeelanaysaa Somaliland
Itoobiya: Somaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsannahay inay hoostagaan Soomaaliya
Waa kuma xildhibaan Gavin Williamson?
Gavin ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough ee ku taalla Waqooyiga England.
Waxa uu siyaasadda ku biiray sanadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sanadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.
Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday xoghayah waxbarashada.
Waa mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, waxaana uu hadda kamid yahay xildhibaannada ugu magaca dheer.
Si weyn waxa uu u taageera qadiyadda gooni isu taaggan Somaliland, sida ku cad bartiisa Twitter.
Ka bood Twitter boggan, 1
Dhammaadka Twitter boggan, 1
Go'aanka dowladda UK
Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, sida ay marar badan sheegtay.
Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa bishii November 2021 sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go'aan noocaas ah gaaraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.
Wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa oo looga arrinsan lahaa arrinta Somaliland ayaa dhowr jeer dhacay, in kastoo aanay wax weyn soo kordhin.
Ma jiro dal ka tirsan caalamka oo sodonkii sano ee la soo dhaafay waddan madax bannaan u aqoonsaday Somaliland.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment