https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df
Friday, January 7, 2022
Mandela: Wasiir sheegay in furaha qolkii uu ku xirnaan jiray Mandela dib loogu soo celinayo Koonfur Afrika
XIGASHADA SAWIRKA, CORBIS VIA GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka,
Nelson Mandela ayaa 1994 dib u booqday qolkii uu kaga xirnaan jiray Xabsiga Robben Island
Furaha qolka xabsiga Robben Island ee mar uu ku xirnaan jiray Nelson Mandela ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo Koonfur Afrika halkii lagu xaraashi lahaa gudaha waddanka Mareykanka, waxaa sidaasi sheegay wasiir.
Xaraashka ayaa lagu waday inuu 28-ka bishan Janaayo ka dhaco magaalada New York illaa markii dambe wasiirka Dhaqanka ee Koonfur Afrika, Nathi Mthethwa uu arrintaasi ka soo horjeestay.
"Furahana waxaa iska leh dadka Koonfur Afrika," ayuu yiri.
Mandela ayaa 27 sanadood xabsi ugu jiray ololihiisii uu ku doonayay in lagu soo afjaro xukunkii caddaankii laga tirada badnaa.
Sideed iyo toban sanadood oo sanadahaasi ka mid ah waxa uu ku qaatay Xabsiga Robben Island, oo ku yaal jasiirad ku taal meel ka baxsan magaalada Cape Town.
1994, ayuu Mandela noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee ay Koonfur Afrika yeelato kaddib markii dalkaasi lagu qabtay doorashooyinkii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah, illaa iyo haatanna waa halyey qaran.
Nelson Mandela's former cell on Robben Island
XIGASHADA SAWIRKA, AFP
Qoraalka sawirka,
Mandela ayaa ku jiri jiray qol yar oo aanay sariir oollin oo ka tirsanaa xabsiga Robben Island
Mr Mthethwa ayaa sheegay in guriga wax lagu xaraasho ee Guernsey uu ogolaaday in furaha dib loogu celiyo waddanka Koofur Afrika, sidoo kalana la hakiyo iibinta waxyaabaha kale ee uu lahaa Mandela.
Waxyaabahaas waxaa ka mid ah farshaxantii rasmiga ahaa ee Mandela ee The Lighthouse, Robben Island, iyo sidoo kale baaskiilkii uu ku jimicsan jiray ee loo ogolaa inuu isticmaalo iyo gacanka lagu dheelo teeniska oo uu xabsiga lahaa.
"Furuhu waxa uu astaan u yahay taariikhda xanuunka badan ee Koonfur Afrika , sidoo kale waxa uu u taagan yahay guusha ruuxda bini'aadamka ay ka gaartay shaydaanka," ayuu Mr Mthethwa ku yiri bayaan uu soo saaray.
Waxaa furahaasi doonayay inuu xaraasho Christo Brand, oo hore ilaalo uga ahaan jiray xabsigii adkaa ee uu ku jiri jiray Mandela. Labada nin ayaa noqday saaxiibo aad isugu wanaagsan.
Xaraashka ayaa la doonayay in lacag loogu aruuriyo sidii loo samayn lahaa beer lagu xasuusto iyo matxaf laga dhiso meel u dhaw goobta uu Mandela ku aasan yahay.
Mandela ayaa xabsiga laga sii daayay 1990 xilli Koonfur Afrika ay bilowday inay ka baxdo nidaamkii adkaa ee midab kala sooca.
Hal muddo xileed ayuu ahaa madaxweyne oo waxa uu xilka ka dagay 1999.
Waxa uu geeriyooday 2013 isagoo ay da'diisu aheyd 95 sanadood.
Presentational grey line
Waxyaaba kale oo ku saabsan Nelson Mandela:
Maxaa 'furihii xabsiga Mandeella' loo xaraashayaa?
Siyaasiyiin loo haysto lacag ay ka musuqeen aaskii Mandela
Xabsigii Mandela oo habeenkii lagu kireynayo $250,000
Obama oo Afrika imanaya Mandela dartiis
Soomaaligii gacanta ka geystay siidayntii Nelson Mandela
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment