https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df NEWS AGENCY: January 2022
https://impulseaversion.com/bnqiayqdu?key=b468938a3b7dc76d6e5765e4981f69df

Monday, January 31, 2022

Recommended Recipe for you:

Get yourself out of an awkward situation (International)

Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?

Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?
Ciidamada kaydka ah ee Ukraine ayaa ka qayb qaatay dhoolatus bishii December iyadoo xiisada kala dhaxaysa Ruushka ay cirka isku sii shareereyso

Waxaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada Ruushka ee la soo dhoobay xadka dalkaasi ay weerar ku qaadaan Ukrain.

Awoodda militari ee Ukraine.
Marka loo barbar dhigo awoodda militariga dalka Ruushka, Ukarine isuma dhigmaan oo waxaa ka awood badan Ruushka .

Balse dalka Ukraine ayaa 20 sano ee u dambeeyay waxay dhiseen militari oo xooggan.

Dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka ayaa taageerada militari ee ugu badan siinayay dalka Ukraine.

Tirada cidamada Ukraine ayaa sida uu qoray wargeyska ka faalooda arrimaha militariga ee globalfirepower waxaa ay gaaraysaa 200,000 oo askari oo imika howlgali kara.

Waxaa sidoo kale jira 250,000 oo ah ciidamada keydka.

Dhanka diyaaradaha dagaalka waxaa dalkaasi 
 ayaa ka mid ah dalalka kaalimaha hore uga jira dhanka Taangiyada iyo gawaaridda gaashaaman.

Tirada Taangiyada dalkaasi ayaa lagu sheegay 2,596 taangi, halka gawaarida gaashaaman ay tiradooda ay dhan tahay 12,303.

Tirada madaafiicda goobta ee ay haysato Ukraine ayaa dhan 10,67.

Dhanka ciidamada badda qalabka ay haysto Ukraine ayaa lagu sheegay 38 iskugu jira maraakiib iyo doomo.

Ukraine ma iska difaaci kartaa Ruushka?
Dhanka awoodda militari ma aha laba dal isu dhigmo Ukraine iyo Ruushka.

Ruushka waa wadanka labaad ee ugu awoodda badan caalamka halka ay Ukraine kaalinta 22 ay kaga jirto dhanka awoodda militari.

Haddii uushku ku soo dhaqaaqo Ukraine waxay khubarada dhanka militariga sheegayaan in aysan ciidamada Ukraine u babac-dhigi karin awoodda Ruushka.

Gaashaanbuurta Nato ma difaaci doontaa Ukraine?
Heshiis ay galeen kuma difaaci karto, maadaama Ukraine aanay xubin ka ahayn gaashaanbuurtaas. Balse Nato waxa ay xiriir dhaw la leedahay Ukraine, oo waxay heshaa hubka reer Galbeedka oo uu ku jiro lidka Javelin ee uu Mareykanku sameeyo ee loogaga hortago gantaallada taangiyada.

Haddaba, Ruushka wuxuu ogyahay in arrintaas ay horseedi karto gargaar ballaaran oo militari oo reer Galbeedka ay siiyaan Ukraine.

Madaxweyne Zelensky waxa uu Nato ugu baaqay in ay dardargeliso xubinnimada Ukraine; laakiin colaadda waxay ka dhigaysaa in Nato ay aqbasho in Ukraine lagu daro gaashaanbuurta.

Saturday, January 29, 2022

Recommended Recipe for you:

Make sure MyQ Garage Door is closed every hour

Baafinta Diyaaradda F35-C waxay ka mid tahay diyaaradaha dagaalka uu Mareykanka sameeyey kuwa ugu casrisan


Ciidamada badda Mareykanka ayaa wado dadaal ay ku gaarayaan goob ay ku dhacday mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee ugu casrisan, ka hor inta uu Shiinuhu gaarin halka ay diyaaraddaasi ku dhacday.

Diyaaradda dagaalka ee F35-C oo qiimaheedu yahay $100 malyan oo doolar ayaa ku dhacday Koonfurta Badda Shiinaha kaddib marki ay la kulantay waxay ciidamada badda Mareykanka ku tilmaameen 'Cillad farsamo oo lama filaan ah' xilli ay ka duuleysay Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinso.

Diyaaraddan ayaa ah tii ugu casrisaneed ee ay ciidamada badda Mareykanka isticmaalaan, iyada diyaaraddu ay ka sameysan tahay qalab sir ah.

Haddaba ciddii diyaaraddaasi badda ku dhacday ugu hor hesha ayaa noqoneysa mid guuleysata.

Dagaalka looga jiro helitaanka diyaaraddaasi siraha ka dambeeya ayaa ah tan ay dalalku loollanka ugu jiraan.

Toddoba Badmaax ayaa ku dhaawacantay marki ay Isniinti diyaaraddu soo dhacday xilli ay sagxadda Markabka ay ka duuleysay ay dabada ku dhufatay xilli ay ku jirtay dhoollatus militari.

Haddaba diyaaraddi waxay ku jirtaa gunta badda, hase yeeshee waxa xiga ee dhici doona ayaa qarsoodi noqonaya. Ciidamada badda Mareykankana meysan xaqiijin halka ay diyaaraddaasi dhacday ku jirta iyo muddada ay soo saaristeeda qaadaneyso.

Shiinuhu wuxuu sheeganayaa ku dhawaad dhammaan badda Koonfurta Shiinaha wuxuuna si isdaba joog ah sanadihi la soo dhaafay uu u qaaday tallaabbooyin uu sheegashadaasi ku xaqiijinayo, isagoo diiday inuu aqoonsado xukunkii maxkamadda caalami ah ay soo saartay 2016-kii isagoo xukunkaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.


XIGASHADA SAWIRKA, TED ALJIBE
Qoraalka sawirka,
Ciidamada Badda ee Mareykanka iyo Philippine oo tababar ku qaadanaya Badda Koonfurta Shiinaha

Khabiirka dhinaca Amniga Qaranka ayaa sheegay militariga Shiinaha "iney aad ugu dhow yihiin" iney diyaaraddaasi helaan balse Markab uu leeyahay Mareykanka ayaa meesha ay diyaaraddu ku dhacday u soo jira masaafo loo soconaya 10 maalmood.

Waa dib u dhac aad u weyn, ayey tiri la taliye dhinaca Militariga ah, sababta oo ah sanduuqa madow ee xogta diyaaradda laga helo ayaa gubanaya ka hor inta uu Markabka Mareykanka goobtaasi gaarin, taasoo sii adkeyneyso in diyaaradda la helo.

"Mareykanka aad ayey muhiim ugu tahay inuu diyaaraddaasi helo," ayey tiri. "Diyaaradda dagalka ee F-35 ee badda ku dhacday waa diyaarad la oran karo Koombiyuutar duulaya. Waxaana loo naqshadeeyey iney xambaarto qalab aad u badan- iyada ciidamada cirka ay ku tilmaamaan inuu ku xiran qalab shiishka diyaaradda si weyn gacan uga geysanaya'."

Muuqaal laga arkayo 'sida ay u burburtay diyaaradda F-35 ee ay leeyihiin militariga UK'
Shiinuhu ma laha teknooloojiyad heerkaa gaarsiisan marka haddii ay diyaaraddaasi gacanta ku soo dhigaan waxay ku gaarayaan horumar aad u weyn, ayey tiri.

Mar ay ka jawaabeysay su'aasha ah inuu jiro dib u soo billaabashada dagaalki qaboobaa waxay tiri: "Dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin cidda ay guusha raacdo, baadigoobka looga jiro dagaalkuna waa mid seddex geesoos ah oo cajiib ah."


Diyaaradda F35-C maxay gaar la tahay?

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES
Waxay awood u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka.
Waxay leedahay hannaan khiyaamaya amaba dhaafaya raadaarka diyaaradaha cadowga, cirka iyo dhulka.
Waa diyaaraddii ugu horreysay ee ciidamada Badda Mareykanka taaso si sahlan uga howlgeli karto hawada cadowga.
Baalasha dhaadheer iyo matoorka xoogga badan ee ay ku duushana wuxuuu sahlaya iney si fudud uga duusha markabka dushiisa.
Waxaana diyaaraddaasi ku rakiban matoorka ugu awoodda badnaa oo la saaro diyarad dagaal kuna socon karo xawaare dhan 1,200 daqiiqaddiba.
Waxayna baalasheeda ku qaadi kartaa laba gantaal iyo afar gantaal oo gudaha ah.

Austen oo horay la taliye ugu ahayd taliyaha guud ee ciidamada isku dhafka Mareykanka iyo Diblumaasi sare oo Yurub iyo Nato u qaabilsanaa waxay sheegtay iney aaminsan tahay isku day kasta uu Shiinuhu ku sheegta soo saaristasi waxay Beijing ku keeneysaa "Cadaadis kale" oo dhanka Mareykanka uga yimaadda.

Waxay sheegtay iney aaminsan tahay, iney ku soo beegantay wakhti khatar badan oo ay dad badan aaminsan yihiin ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistaan iney tahay Habacsanaan iyo Masiibo weyn.

Maxaa diyaaraddan dagaal ee Mareykanka ay uga baqayaan dalalka caalamka?
Waxaan shaki ku jirin inuu Shiinaha diyaaraddan uu u baahan yahay, iyada oo ay dhici karta basaasnimada dhinaca interneetka ah iney xog badan ay ku heleen xog ku saabsan waxa ay diyaaraddan ka sameysan tahay, qaabka ay ku shaqeyso iyo teknooloojiyadaha loo adeegsaday, ayuu yiri Bryce Barros oo ah falanqeeye arrimaha Shiinaha ahna nin si weyn ula socda amniga mashruuca truman.

"Waxaan u maleynayaa inay rabaan inay arkaan qaybaha dhabta ah ee diyaaradda, si ay si fiican ugu fahmaan sida loo sameeyey ayna u ogaadaan dhinacyada ay ka nugushahay."

Bayaan ka soo baxay ciidamada Badda Mareykanka waxaa lagu sheegay howlgalka diyaaraddaasi lagu soo saarayo inuu socdo wixi ka dambeeyey marki ay cillad "diyaaraddaasi ku timid" xilli ay ka duuleysay Markabka USS Carl Vinson.


Qoraalka Muuqaalka,
Badda Koonfurta Shiinaha maxaa loogu dagaallamaa?

Haddaba helitaanka diyaaradda siduu u socdaa?

Koox ka socota Kormeeraha Badbaadinta iyo quusitaanka ee Maraykanka ayaa bacaha ku dhejin doona qolofka diyaaradda oo si tartiib ah loo buufin doono si burburka diyaaradda dusha sare ee badda loogu soo saaro.

Howshaasi waxay noqon doontaa mid adag haddii burburka diyaaradda uu yahay mid firirsan.

Diyaaradda badda ku dhacday ayaana loo badinayaa in ay ku hubaysnayd ugu yaraan dhawr gantaal oo ay ku sidday baalasheeda iyo gudaheeda taas oo sidoo kale adkayn karta soo saaridda diyaaradda.


XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka,
Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinson

Waxaana jira tilmaamo muujinaya cidda ku guuleysaneysa loollanka Militari ee socda.

1974-kii xilli uu dagaalki qaboobaa uu taagnaa, CIA-da Mareykanka waxay si qarsoodi ah ku soo jiidatay markab uu Ruushka leeyahay oo ku dagay xeebta Hawaii iyada oo adeegsatay qalab cajiib ah.

Laba sano kaddibna Militariga Shiinaha ayaa si qarsoodi ah ula soo baxay Markab uu Ingiriiska lahaa oo ku dagay xeebtaha bari ee Shiinaha.

Muxuu yahay hubka uu Mareykanka mamnuucay ee Turkiga uu ku adkeystay inuu helo?
Waxaa sida oo kale la rumeysn yahay inuu Shiinuhu gacanta ku dhigay burbruka diyaaraddii sirdoonka Mareykanka ee "Stoalth", oo ku dhacday werarki 2011-kii lagu qaaday goob uu ku sugnaa Osama Bin Laden.

"Waxaan hubnaa iney ciidamada Shiinuhu arkeen qalabka saaran iyo barnaamijyada ay diyaaraddaasi ku shaqeyso", ayuu yiri Barros.

Ilaa iyo hadda waxaa rekoorka badbaadinta waxyaabaha badda ku dagay haysta diyaaraddii gaadiidka ciidamada badda ee Mareykanka oo badda Philipine ku dhacday, gunta baddana laga soo saaray 2019-kii.

Waxaana diyaaradaasi laga soo saaray moolka badda oo gaaraya 5,638 mitir.

Fursadda kale ee Mareykanka hortallo waxay tahay iney diyaaraddaasi dagaalka halkeeda ku burburiyaan si ay gacanta Shiinaha ugu dhicin.

"Waxa ugu fudud ee la sameeyn karo waxay noqon doontaa in la burburiyo" ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Balse waddadaasi looma maleynayo iney noqoto tan ugu dhow in la tixgeliyo, waxaase la hubaa in dadaal xooggan looga jiro sidi diyaaraddaasi badda ku dhacday loo soo saari lahaa.

Wararkii ugu Danbeeyey Cida Kadanbaysay Ciidamada Baladweyne & Gorgor Xo...

XOGTA: Turkey oo Awood kale oo Cajiib ah lasoo baxay kadib Diyaarihii Ba...

Turkiga oo Soo Bandhigay Hub Casri Ah oo Hawada Kala Xidhay | Xulashada ...

Xogta Dahsoon Diyaarada F-35 ee ku dhacday badda Shiinaha

Wararkii ugu Danbeeyey Cida Kadanbaysay Ciidamada Baladweyne & Gorgor Xo...

Friday, January 28, 2022

Recommended Recipe for you:

Post my Instagram photos to Facebook page

Dagaalkii Crimea. Qeybta 4. Soo-celinta Ingiriiska iyo Faransiiska

Faransiiska

Dagaalkii Crimea. Qeybta 4 ee Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah

Dagaalkii Crimea. Qeybta 4. Soo-celinta Ingiriiska iyo Faransiiska

Waxaan sii wadaynaa inaanu isbarbar dhigno aragtida ku saabsan dagaalka Crimean, kaas oo ka dhigtay cagaha ka soo horjeeda kuwa ka soo horjeedda dowladaha Russia iyo dhex-dhexaadka. Markan waxaan isku dayi doonnaa inaan ogaano sababta ay u horseedi doonto sababta awooda loo yaqaan ee awooda u ah Yurub, Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska, ay umuuqatay inay u muuqato dagaal aan loo baahnayn oo ka dhan ah Ruushka.

Waxyaabaha:

France

Louis Napoleononoon, oo awooda u yimid Faransiiska 1848, wuxuu u qaatay dhaladii siyaasada ee ku saabsan hirarka gobolka ee mowjadaha ballan-qaadyada iyo rajooyinka. Wuxuu balan qaaday inuu dib u heshiisiin doono dhammaan khilaafyada bulshada ee u dhexeeya aristocracy iyo Bourgaaree cusub, oo ku dooday inuu sare u qaado heerka bulshada iyo dhaqaalaha ee dalka, uu soo noolayn doono warshadaha oo uu ku gaari doono barwaaqo. Si kastaba ha noqotee, aragtida ugu weyn ee ah in codbixiyuhu dhageystay uu ka muuqdo cashuuraha, kaas oo keenay guushii Louis Napoleon ee doorashooyinka.

Si kastaba ha noqotee, inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda Faransiiska, wuxuu la kulmay iskahorimaad dhagaxa ah oo ay weheliso Golaha iyo Golaha Dawladda. Taageerayaasha Louis-Philippa Orleans, in kasta oo ay soo galeen dawladda, oo diiday inay iskaashi la yeeshaan madaxweynaha cusub.

Emperor Faransiis ee Faransiiska Napoleon III

Emperor Faransiis ee Faransiiska Napoleon III

Marka loo eego aragtida siyaasadeed, tirada dadka Faransiiska ah ayaa loo qaybiyay saddex xero: sharciyeyaal, Republicans iyo orleans. Xeerarka sharcinadu waxay taageerayaal ahaayeen soo nooleynta Boqortooyada aan xadidneyn, Orleans ayaa u dooday boqortooyo dastuur ah, Jamhuuriyad, si dabiici ah, ee jamhuuriyadda. Shirqool iyo counter-Turnspirs ayaa bilaabmay, kuwaas oo suuragal ah inqilaabtii 2da Diseembar 2, 1851. Louis Navoleon wuxuu soo bandhigay askar golaha baarlamaanka, oo qabtay 78 xubnood oo xubnahooda ah waxaana lagu dhawaaqay amiirka France. Inta hartay ee 220 ku-xigeen ee ku xidhnaa ee ku xusan hanjabaadda ciidamada Bayashes ee ciidamada si wada jir ah ayaa loogu codeeyay in la beddelo dastuurka Faransiiska sida ku xusan mashruuca Napoleon.

Afgagaradii ka dib, Emperor cusub oo ku kaftamay:

"Sayidow, waa maxay dawladda aan haysto! EMPRESS - Sharci ahaan. Napoleon Zherema - Jamhuuriga. Morenin - orleanist. Aniga qudhaydu waxaan ahay hantiwadaag. Oo ma aha xisaab-celin keliya oo marka laga reebo daarta, laakiin isagu waa waalan yahay. "

Laakiin Napoleon wuxuu fahamsan yahay in is burinaya ee uu ku galay Faransiiska, waxay ahayd lagama maarmaan in wax la isku daro dalka. Wuxuu go'aansaday in dagaalku dagaalku noqon karo. Dagaalku wuxuu u baahnaa mid yar oo guuleystay, maxaa yeelay dhibanayaasha sare iyo kharashyada aan caadiga ahayn waa inaysan isu soo baxdan, laakiin taa bedelkeeda, ugu dambeyntiina umadeedo qaranka.

Napoleon wuu dooran karaa halka dagaalkani ku dhici doono cidda ka soo gaadhay. In Russia ee Russia, waxaa jiray sababo badan oo loo qaybin karo laba kooxood: shaqsi iyo geopolis.

Sababo shaqsiyeed, waa suurta gal in lagu daro aflagaado nikolai i napolenoon, oo tixgaliyay Emperor cusub, oo ah Parnou), iyo xarfaha "saaxiib", halka "walaal" waa inuu "walaal" yahay "walaal" "(Frendr). Dabcan, Napoleon III, markii wargeysyada ay ka bartay arrintan, ayaa seegay in "walaalihiis aysan dooran, halka asxaabta aan is aragno." Si kastaba ha noqotee, roobka ayaa sii jiraya. Sababta labaad ee shaqsiyeed waa "aargudashada adeerka," Taasi waa, maydhistay ceebta guuldaradii ka soo gaartay Napoleon I In Russia 1812.

Isku-darka sababaha juquraafi ahaanta ayaa loo oggol yahay in lagu adkeeyo bulshada Faransiiska. Xeerarku wuxuu necbahay Nikolai aniga sabab la mid ah Napoleon - oo ah tartankii ugu weyn yurub. Jamhuuriga waxay ku arkeen midowga Austria, Russia iyo Prussia, midowga falcelinta, kaas oo ka hor istaagay kiiska "xorriyadda, sinnaanta iyo kalsoonida". Oo waxay cadahay in Russia uu door weyn ka ciyaaro ururkan. Orleans wuxuu rumeysan yahay in guuldaradii Ruushka ay u furi lahayd Faransiiska si ay uhelaan Addiakic, waqooyi-bari Afrika iyo Masar, taas oo ka dhalatay saameynta Faransiiska ah ay badali doonaan Ruushka.

Ruushka Emperor Nicholas I

Ruushka Emperor Nicholas I

Laakiin ilaa Nofeembar 1853, Nampoleon III kuma kalsoona inuu yahay inuu dagaal galo. Tusaalaha falcelin aad u dabeecad aad u dabeecad ah isla markiiba ka dib markii xillan u muujiso warqadaha Napoleon ee Napoleon ee Xeer ilaaliyaha Toulouse:

"Tiro aad u badan oo millatari ah oo ka bartay isku dhaca bariga, iyadoo dib u soo nooleyneysa fursadaha xallintiisa nabdoon, aragtida guud ee ka dhanka ah faragelinta dagaalka, haddii ay jiraan dhacdooyin aan caadi ahayn oo aan caadi ahayn. Dhamaan qaybaha dadku waxay ku kalsoon yihiin in kiiska khilaaf militari, dagaalkani uusan badnayn, laakiin qaaradaha, wax walbana way la yaabayaan, oo ay u arkaan midowga Ingiriiska, oo ay u tixgeliyaan cadowga in ka badan Russip. Suuragal maahan in la yiraahdo dagaalku waa caan. "

Barta wareejinta ayaa inta badan ka shaqeysay Faransiiska 1853 iyo cudurka daacuunka ee Paris. Sida aan nidhaahnahay, awoodda Napoleon waxay ahayd mid aad u jilicsan, oo dhibaato kasta oo gudaha ah loogu hanjabay inuu ku kori doono wareeg cusub oo halganka ah ee awoodda. Xaaladdan oo ku saabsan saaxiibkiis, Henry John macbudka, Piscount Proforn, Emperor wuxuu ku guuleystey "inuu" iibiyo "George Hamilton-Grivid, Sayidow Aberdaeen. Faransiiska oo ay la yeelatay England waxay ku heshiin weyday gunaanadkii militariga ee ka dhanka ah Ruushka, dhamaadka Diseembar 1853, ka soo horjeedda Faransiiska ee dagaalka lala galay Ruushka ayaa la xaliyay. Dagaalkii dibedda ahaa wuxuu ahaa in laga mashquulo bulshada Faransiiska dhibaatooyinka gudaha.

Boqortooyada Ingiriiska

Xaaladda Ingiriiska ee ku taal England ee ka kaxeedda dagaalka Crimean kama aad ahaa wax aan ka xiisanayn Faransiiska.

Waxay dhammaantood bilaabeen, sida muuqata, sanadkii 1838, markii "horyaalka ka dhanka ah sharciyada rootida" la sameeyay. Horumar dheeraad ah oo dhacdooyinka ah ayaa si wanaagsan loogu sharaxay buugga William Bernstein "Wadaag weyn":

"Sannadkii 1845, ilaahyada dhalmada waxay ku dhufteen cadhadooda jasiiradaha Ingiriiska, oo ka soo shaqeeyey mid ka mid ah dhacdooyinka uguyaaqaada ee taariikhda siyaasadeed ee England. Luulyo iyo Ogosto ee sanadkan ayaa roob iyo qabow ahaayeen. Jiilaalka cagaaran ee qamadiga dushooda. Isla mar ahaantaana, Rotato Potles ayaa ka soo muuqday Koonfurta England iyo, dab, oo ku faafay Ireland, waxay cambaareyneysaa dadka ay gaajaysato gaajo. Bilowga sanadkan habeenkii, dowladdu waa argagaxday. Rajada badbaadada ayaa lagu arkay soo iibsiga hadhuudhka Mareykanka iyo warbixinada komishanka sayniska ee gaarka ah ee ay ka jireen faafinta baradho. Bishii Nofembar 22, ayay dawladdu lumisay meeshii ugu dambeysa - Rabbih John Russell, hogaamiyaha kooxda VIGOV, wuxuu ka dhigay baabi'inta "sharciyada rootida".

Gaajo gudaha Ireland

Gaajo gudaha Ireland

"Waqtigaan, xitaa Tori-ka ugu qanacsan ayaa fahmay in si looga fogaado gaajada ballaaran, ingiriisiga iyo dekedaha Irish-ka ee Irish loo baahan yahay in laga helo soo dejinta hadhuudhka soo dejinta. Isla mar ahaantaana, ra'iisul wasaaraha kaniiniga ah ayaa la fahamsan yahay in markii la ogaado, suurtagal ma ahan in dib loo celiyo iyada oo aan laga hor istaagin inuu ku raaxeysto kacaanka. Laba toddobaad ka dib, wuxuu soo ururiyey golaha wasiirrada wuxuuna ku dhawaaqay inuu doonayo inuu baajiyo "sharciga rootida". Markii laba ka mid ah wasiirradiisa ay diideen inay taageeraan, wuxuu u jeestay boqoradda isagoo weydiisanaya is casilaad ah. Russell ma awoodin inuu uruuriyo Dowladda Vigov, sababtoo ah guriga bulshada, xisbigiisu wuxuu ahaa mid laga tiro badan yahay, sidaa darteed 20-kii December 20, wuxuu ku soo noqday jagadiisa.

Bishii Janaayo 1846, ma haysto wax wax cabbo, sida si cad u ogaato in Kobden iyo League ay sax ahaayeen, oo uu wax ka beddelay dhaqankiisa "sharciyada rootida". Kuwa ka mid ah saaxiibkiis-Tori, oo aan aqbalin iimaanka cusub ayaa ku hadhay nacasyada. Ficilkan cajiibka ah ee is-qadarinta ayaa ka hadhay raad-raac labadaba meelaha ugu wanaagsan ee Brities-ka weyn ee Ingiriiska iyo sumcadda hogaamiyaha siyaasadeed ee ugu xirfad badan qarnigii XIX. Bishii Juun 25, in lagu ansaxiyay sharciga sayidyada, maalmo yar ka dib markii mucjisooyinka milkiilayaasha ka soo jeeda xisbiga Tori, oo hoos yimaada hoggaanka reer Benjali, Dizraeli. Tilmaamkii wuxuu badbaadiyey fasalkiisii ​​u gaarka ahaa - oo laga helo dhul-gariir - naftiisa, oo isagu wuu gacangeliyey aakhiro. "

England waxay si aad ah u yareeyeen waajibaadka wax soo kabashada alaabada ceeriin, laakiin hadda waxaan jeclaan lahaa in dhammaan waddamada kale ay si dhinaceeda u yareeyaan waajibaadka ku saabsan badeecadaha warshadaha Ingiriisiga. Waxay ahayd lagama maarmaan in lagu iibiyo badeecadeeda warshadeed isla Ruushka tiro aad u badan (waa iska cadahay in warshadaha Ruushka aysan awoodin inay la tartami doonaan), oo dib ugu soo laabato si ay u helaan alaabta ceeriin iyo hadhuudhka.

Caadi ahaan, dawladda boqortooyada ayaa ka soo horjeesatay tan sida Cankrin, oo markii dambe vrosky. Waayo, inta aan xumaan lahayn, laakiin waa warshadeena, iyo sidaas oo kale - ma jiri doonaan maya.

Dowlada isbahaysiga Sayid Aberdeen

Dowlada isbahaysiga Sayid Aberdeen

England gudaheeda, ka dib baabi'inta sharciyada rootida ee awoodda, dhab ahaantii, bourgashiis-oustratiosie ayaa yimid. Oo dhulkii dhul gariirka dhulku wuu ka waayey meeshiisii ​​gabi ahaanba. Laakiin ... mar labaad laakiin. Aasaanaanta dhulka ayaa wali ah qaanuunka kubadan ee ciidanka, waxayna dooneysay inay kor u qaaddo muhiimadooda.

Dhimashada ka dib, duuliyihii jajabkii hore iyo Bourgaariisie cusub ayaa la mid ahaa, natiijo ahaan, Aberdeen iyo Pr Pr Pr Pr Pr Pr Pr Pr Pr Pr Pr Pr pallsterston ayaa lagu qasbay inay sameeyaan isbahaysi. Waxay soo baxday xafiis noocan ah:

Rasuul-wasaare : Sayidow, Sayidka, sayidka Chaistober Affayeerka Afhayeenka baarlamaanka (dhul-beereedka dhulka);

Wasaaradda Arimaha Gudaha : Sayidow Palmeston (Bourgaarsie cusub);

Wasaaradda Arrimaha Dibadda : Sayidow, in kastoo, Bishii Juun 1854, wuxuu noqday wasiirka aan lahayn boosteejoon);

Wasaaradda Arrimaha Dibadda (laga bilaabo Juun 1854): Sayidow, Sayidow;

Chancellor of Preund : Sayidow, Sayidow;

Wasaaradda Maaliyadda : Sayidow Newcastle;

Wasiirkii milatariga : Sydney Herbert;

XogAfaallo militari (madaxa adeegga gadaal) iyo Sayidkii ugu horreeyay : Sir James Graham;

Wasiirka Arimaha ee Contaria : Sir Charles qoryo.

Isla mar ahaantaana, Pallston, Herbert iyo Graham waxay u muuqdeen inay ku biiraan dagaalka. Newcastle si aad ah ayuu ula soo horjeeday, oo guud ahaan waxaan doonayay inaan ka tuuro Graham ka soo laabashadii safka hore oo u beddelo alwaax. Flett Graham ayaa necbahay - kuma uusan isticmaalin maraakiibta gabi ahaanba, oo laga arkay oo keliya korka ama sawirka. Xaqiiqdii, waxay ahayd maalgeliye, kaas oo loo dhigay "in la wanaajiyo Miisaaniyadda". Isla mar ahaantaana, Graham marka hore wuxuu ahaa luul, 1854 wuxuu la dagaallamayay Tori.

Graham wuxuu ku helay qof xul ah wejiga wejiga Glinstston, oo jeclaaday hal-abuurka hal abuurka kan koowaad. Hal-abuurkan ayaa ahaa mid maaliyad ah oo dabiiciga ah - si loo yareeyo tirada toogashada illaa laba sanadkiiba, ama dhaqaaqayaasha diyaaradda ayaa ka badan hal jeer sanadkii, hal mar labadii sanaba - habka dhaqaale ee dhabta ah. Ugudambeyntii, ka dib markii Russell laga tuuray xafiiska oo uu bedelay Gladston, Tori wuxuu ka faa iidaystay hal cod oo xafiiska jooga.

Tori wuxuu dalbaday dagaal, haddii kale ee hanjabaadda inuu muujiyo is-aaminaad AberDeen iyo dib-u-habeyn dawladda ku saabsan natiijooyinka dhageysiga baarlamaanka.

Iyo Aberdeen, oo qalbigay ku adkeeyay wadnaha, ogolaaday.

Aberdeen wuxuu qoray Russell:

"Caddaaladda cadaaladda ee aan la fahmi karin, waa dhiirrigelin daciif ah oo ka dhex jirta musiibooyinka lama huraanka ah ee dagaalka iyo si loo xalliyo kiiskan, cadaaladdu waa si fudud oo aan macquul ahayn. Dahadayda ayaa i siisay wax badan oo dheeraad ah, maxaa yeelay waxaan muujiyaa tamar yar oo ka badan tamar badan iyo cadaadiska oo dhan waxaa loo go'aamin doonaa in aan la go'aamineynin dantaan, laakiin hoos udhaca wadada. "

Bilowga dagaalka, dhibaatooyinka ka jira dowladda England ayaa sii socday. Graham wuxuu ku hogaamiyay dagaalka qaabkiisa, laakiin wuxuu helay tilmaan cad oo ah Palmesbon - si ay isugu xidhaan istaraatiijiyadda badda ee Faransiiska, oo u rogtay qubeys qabow. Intaa waxaa sii dheer, markii uu madaxiisa ka soo degay arrimaha ka imaatinka arimaha, waxaan ku jiray dib-u-celin ballaaran oo boqornimo, kaas oo ku soo gabagabeynaya oo keliya 1856, iyo dayrka oo keliya 1854th.

Maraakiibta uumiga, sida ay u noqotay, sidaa darteed, sidaas, ilaa sanadka 1856, isticmaalka gawaarida uumiga ee dagaalka loo tixgaliyay inay yihiin kuwa masters ah oo aad ku dhacday waxyeelo weyn - ku gurguurtay dekada kuugu dhow. Oo heerkuna kuma koobna oo keliya badbaadinta dhuxusha: dhululubo dhululubo ayaa laga saaray si ka kordhaysata kor u kaca ah oo kuleylka ah ayaa si xun u sumoobay. Tani waa ceelka Ingriiska ee la dareemayo markii ling-ka eega uu qandaraasku uu ku orday mayl mayl ah bishii Sebtember 30, 1852, markii uu tusay xawaare 9.35 xaas. Ka dibna dableyda ayaa ku dhegaysa, oo laba dalool ayaa dib loogu soo celiyey baarkinka.

Dagaalkii Crimea. Qeybta 4. Soo-celinta Ingiriiska iyo Faransiiska 23333_6

Caricatist Mareykan ah "saxan madhan". Libaaxa af-ingiriisi wuxuu leeyahay mindi leh qorniinka "xubnaha Turkiga". Turkey Turkey waxay eegaysaa wadada: "Waxa murugada leh! Oo anigu kama cawdo wax kasta! "

Palm Palcton waxaa loo rogay inuu noqdo "isku dhac" ugu weyn ee dagaalka lala yeelanayo Russia. Wuxuu sheegay in "isku dhac xadidan oo ay la leeyihiin Ruushka ay ku qasbi doonto hogaaminta ugu dambeysa ee ah Nidaamka Kastam ee Liberal Partns oo ku biiro mabaadiida ganacsiga xorta ah." Taasi waa, aasaaska dagaalka, sida ku xusan dagaalkii ugu horreeyay ee Opium ee Shiinaha, wuxuu helay doorbidyo dhaqaale.

Intaas waxaa sii dheer, Palmalster wuxuu ku dooday in dagaalku si fiican u kicinayo horumarka warshadaha iyo wax soo saarka. Maaddaama amarka dowladdu ay u kordhayso badeecada warshadaha, waxaa suurtagal ah in la ballaariyo awoodda wax soo saarka.

Isla mar ahaantaana, Palmeston laftiisu wuxuu ahaa riyoon, riyo, oo ka jaray runta. Warqadihiisa u gudbiya baarlamaanka iyo boqoradda waa wax:

"Yoolalka dagaalka - si aan u tirtiro Ruushka Finland, Poland, Georgia.

Waxa ugu xiisaha badnaa waa in ra'iisul wasaaraha ka dib Aberdeen, uu aqlabiyad u helay xafiiskiisa oo ka dhan ah siyaasadiisa oo lagu qasbay inuu "ku qanacsan yahay sidii hadiyad aan loo baahnayn."

Thursday, January 27, 2022

Dagaalkani wuxu bilaabmay sanadkii 1914 wuxuuna dhamaaday sanadkii 1918kii

Dagaalkani wuxu bilaabmay sanadkii 1914 wuxuuna dhamaaday sanadkii 1918kii, marka Versailles lago saxiixey heshiis nabadgelyo. Dagaalkani wuxu dhex maray dawladdo badan ay ka mid yihiin: maraykankaoo sanakii u dambeeyay ku soo biiray dagaalka, IngriiskaFaransiiskaJarmalkaDawlada CosmaniyaRuushka, iyo dawlada kale oo aad ubadan. Dagaalkan waxaa lagu jabiyey, lagaag adkaaday, dawladaha jarmalka iyo cusmaaniyiinta. way sii socotaa qore; Abdalle bile ahmed

Dagaalkii aduunka ee Koowaad

Dagaalkii 1aad ee dunida 

Wuxuu ka bilowday dagaalkan magaalada sarayevo  caasimada dalka bosnia 28 june 1914 waxaana sabab u ah wiil xag jir ah oo Serbian ah uu toogtay dhaxal sugihii dalka austri arshiidiq fransis Ferdinand iyo xaaskiisi.

Balse  asbaabtu taa wey ka weyneyd waxaana lagu soo kooba asbaabta oo ee dhabta ah ee keentay dagaalkii koowaad ee dunida tobodo qodob

1-   Dagaalkii ka dhacay yurub ka dhacay todobaatameeyadii qarningii 19aad  oo looga guuleystay dalka faransiiska waxey fransa qorsheyneysa mudo dheer iney mar uun aar gudato iyadoo laga heystay dhul baaxad weyn, sidoo kale waxey ka baqeysay inuu mar 2aad kuso rogaal celin doono jermal oo horey uga adkaaday

2-   Dowladaha waaweyn oo ku loolamayay dalalka ey gumeystaan iyadoo uu jarmalku dareemayay in laga sad badsaday taaso mar naba aan u cuntamin, iyadoo dhaqaalaha jarmalku uu baahna dhul cusub uu qeyraadkiisa gurto hadana waxaa sadkiisa qaatay wadamada fransiiska iyo ingiriiska

3-   Khilaafka dhanka xuduuda badda ah ingiriiska ayaana ahaa awooda ugu weyn dunida dhanka ciidamada badda iyadoo ciidamada badeedu ey joogeen dhamaan daafaha dunida oo inteeda badan ey gumeysaneysay balse jarmalka ayaa isna bilaabay inuu xoojiyo ciidamadiisa bada sanadii 1989 waxaase libinta uga dambeeyay ingiriiska markii uu sameeyay  markabkii dagaal ee abid dunida ugu weynaa ee la oran jiray dreadnought  kaaso la soo saaray sanadii 1906

4-   Loolan  dhanka xuduudaha oo u dhaxeeyay ruushka iyo jarmalka iyo austari waxey ruushku iyo jarmalku isku heysteen sidii ey u kalaqeybsan lahayeen dhulka Poland hada loo yaqaano halka austari iyo jarmalku iyo ruushkuba ey isku heysteen gobolka lagu magaacabo jalesia

5-   Loolan dhanka wadamada la isku yiraahdo balkens  kuwaaso ka go aydowladii cusmaaniyiinta sanadii 1908 ayey austari qabsatay wadanka bosnia  iyadoo ku goodisay iney qabsaneyso Serbia

6-   Xulufeysa balaaran oo bilowday waxey u kala qeybsanayeen triple alliance oo ey ka mid ahaayeen wadamada jarmalka austri iyo hungry  halka kooxda kalena eyaheyd triple entente waxaana isugu yimid france ingiriiska iyo ruushka .

7-   Wadamada xooga badan oo sameystay ciidamo aad u xoog badan waxaana aad isku hubeeyay wadamada ruushka iyo jarmalka si ey u  qaataan qeybo ka mid ah wadama balkaniska .

Hadaba maxaa keenay in dagaalkan loogu yeero dagaalkii koowaad ee dunida

Dagaalkan oo dhacay inta u dhexeysay 28 june 1914 ilaa 11 nov 1918 ayaa waxey kasbatay in loogu yeero magaca caalami

Iyadoo u dagaalka socday 51 bilood oo aan kala go’ laheyn

Waxaa ka qeyb qaatay 28 dowladood 24 ka mid ah ey ahayeen dhinaca xulufada halka 4 ka mid ahna ey ahayeen dhinacii jarmalka

93% dadka dunida ku nool ayaa si toos ah iyo si aan toos aheyn uga qeyb qaatay dagaalkan

Dagaalkan ayaa ka wada dhacay 3 qaaradood oo kala ah yurub Africa iyo asia

Yurub waxa uu ka dhacay balconska talyaaniga  iyo daanta galbeed iyo tan bari ee qarada yurub

Asia wuxuu ka dhacay  wadamada masar falastiin ciraaq dardanil iyo dhulka loo yaqaano qooqaaz

Afrikana wuxuu ka dhacay  galbeedka Africa

Halka pasicific oo ka dhacay jasiirado uu gumeysan jiray jarmalku

Waxey aheyd dagaalkii ugu horeeyay ee la iska weeraro dhulka cirka iyo bada

Waxaa la isku adeegsaday hubkii ugu casrisanaa waqtigaa

Iyadoo la isku adeegsaday gaas sumeysan  sidoo kale waxaa la isku adeegsaday  dhufeysyada  daahsoon iyo telgraphka oo ka qeyb qaatay is gaarsiinta ciidmada  ku kala sugnaa meelo kala duwan

Ciidamada ka qeyb qaatay

Xulufadu waxuu dhamaa ciidamdooda 42 188 000 waxey ahaayeen 65 %

Halka mixwarkana ay ahayeen 2 850 000 oo  ah 35 %

Marka la isku daro wadarta ciidamada ka qeyb qaatana waxey noqonayaan 65 038 000

Waxaa khasaarada lagu qiyaasay  xulafada waxaa ka dhintay 22 104 000

Ciidamada mixwanka waxaa ku naf waayay 15 404 000

Halka guu ahaana ey tahay 37 508 000

Dhanka dhaqaalaha waxaa ku baxay  10 milyaan oo doolar saacad walba

Lacagaha tooska ah ee agabka dagaalka  waxaa ku baxay 186 bilyan oo doolar

Halka qasaaraha dadweyne uu gaaray 151 bilyan ooo dolar

Marka la siku darana uu garayo qasaaraha 337 bilyan oo doolar

Wararkii ugu Danbeeyey Ruushka & ukrain oo Loo Kala baxay Dagaalka Dunid...

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Kataagan Hiiraan & Ciidamadii ugu Badnaa ...

Sheekh Zakir Naik: Ninka ka soo bixi kara shuruudahan ayaan siinayaa gabadheyda

Sheekh Zakir Naik: Ninka ka soo bixi kara shuruudahan ayaan siinayaa gabadheyda Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiya, Zakir Naik, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu gabdhiisa ugu raadinayo wiil guursada. Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka gabdhiisa iyo shuruudaha laga rabo wiilka uu la doonayo. "Assalamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakatuhu, waxaan gabadheyda curadda ah u raadinayaa wiil Muslim ah oo akhlaaq wanaagsan leh, si ay inantayda iyo seeygeeduba uu midba midka kale ugu noqdo gaashaan." Haddii aad u qalanto oo aad xiisaynayso, ama haddii aad tahay aabaha ama qaraabada wiil aad u malaynayso inuu xaq u leeyahay oo aad diyaar u tahay inaad eegto arrintan, waxaan si khushuuc leh kaaga codsan lahaa inaad ka soo jawaabto qoraalkan. Shuruudaha looga baahan yahay inuu buuxiyo wiilka doonaya gabadheyda" 1. In uu yahay wiil Muslimad ah, uuna diinta ugu dhaqmo sida ay fareyso. 2. In sunnada uu aad ugu dedaalo inta karaankiisa ah. 3. In luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu yaqaano. 4. In uu ka fogaado dhamaan hawlaha xaaranta ah. 4. In xaaskiisa uu ku dhiiragelin karo dadaalka dawcwadda ee ay waddo. 5. In uu xaafidul Qur'aan yahay. 6. In Shahaadadaa Koobaad ee 'Bachelor Degree' uu ka haysato Shareecada Islaamka. 7. In uu dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska. 8. Waa inuu Diinta Islaamka ku faafiyaa meelaha ay ku badan yihiin masixiiyiinta. Faah-faahinta gabadha Sheekh Zakir Naik ee uu seyga u raadinayo 1. Da'deeda: 25 jir, iyo 2 bilood. 2. Waxay ku nooshahay: Putrajaya, Maleesiya. 3. Waxay leedahay dabeecad iyo akhlaaq wanaagsan, waa ay naxariis badantahay, dhanka saaxiibtinimada way ku fiicantahay, waxay jeceshahay wax barashada iyo baridda Qur'aanka. 4: Waxay haysataa shahaahada koobaad ee Shareecada Islaamka, iyadoo ka soo qalin jabisay Jaamacadda Nourah University, Riyadh, Saudi Arabia. Waxayna haatan isla jaacaddaasi ka wadda shahaada labaad Tafsiirka Qur'aanka. 5: Waxay si faseex ah ugu hadashaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga. Waxay sidoo kale ku hadashaa luuqadaha Uruduuga iyo Hindiga. 6: Waa daaci xaafidul Qur'aan ah oo ku guuleysatay abaal marino. 7: Waxay ka heshaa dabbaasha iyo safarka. DR ZAKIR NAIK Bishii September ee sannadkii hore ayay markii Sheekh Zakir Naik uu gabadh u raadinayay wiikiisa Fariiq isagoo gabadha uu la doonayayna uu ku xiray shuruudo. Sheekh Zakir Naik oo gabadh u raadinaya wiilkiisa balse shuruudo ku xiray gabadha Dhowr sababood oo aan loo xusi karin dhalashada Nebiga CSW--- Sheekh Zakir Naik Zakir Naik oo dacwad lagaga soo oogay Hindiya Waa kum Zakir Naik? Qaabka adadag ee Zakir uu u adeegsado diinta ayuu wakhti dheer muran ka taagnaa. Dad badaan oo al-Qaacida taacabsan oo la xiray ayaa saraakiisha u sheegay in uu saamayn badan ku lahaa. In uu dalka Britain galo ayaa laga mamnuucay sannadkii 2010, waxayna ku sababeeyeen "dabcigiisa aan la aqbali karin" iyo khudbadahiisa, sida ay wakhtigaas Si kastaba ha ahaatee waxay indhaha caalamku qabteen bishii Luulyo ee sannadkii 2016 ka dib weerarkii darnaa ee lagu qaaday makhaayadda Holey Artisan ee magaalada Dhaka. Warbaahinta Bangladesh ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga weerarkaas gaystay uu ka shidaal qaatay khudbadihiisii. Qaybihii dambe ee isla bishaasna Bangladesh waxay mamnuucday Peace TV. Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016 hay'adda argagixiso la dagaalanka ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay Zakir, iyada oo ku eedaysay in uu faafinayo nacayb diimeed iyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn. Zakir ayaa Malaysia u wareegay 2017

Wednesday, January 26, 2022

Recommended Recipe for you:

Add Twitch to your lifestyle analytics with Welltory

Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhiibay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay heleen Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhiibay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay heleen

Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhiibay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay heleen


,
Siciid Atam waxaa la sheegay in uu hadda ku noolyahay dalka Qatar

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa dowladda federaalka Soomaaliya isu soo dhiibay madax iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii ururkaasi, islamarkaasna taageereen dowladnimada Soomaaliya.

Hase yeeshee dhammaantood ma aysan wada helin maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay filanayeen, qaar ayaa xasbiga ku jira muddo sanado ah, qaar kalena dowladda ayay xilal ka qabteen, halka kuwa kalena iyaga iyo qoyskoodaba ay fursad u heleen in ay aadaan dalka dibaddiisa.

Haddaba maxaa ugu wacan in qaarna ay xabsi ku raagaan, qaarna ay xasaanad iyo shaqooyin dowladeed helaan?.

Shawqi Xayir waa falanqeeye arrimaha Geeska Afrika, waxa uu qabaa in barnaamijkii cafiska oo dhan la siyaasadeeyay, islamarkaasna laga booday dhammaan hab raacyadii degenaa, ayna xaaladda noqotay rabitaanka shaqsiyaadka madaxda ka ah dowladda.

"Hadda haddii aad u fiirsatid arrinka Mukhtaar Rooboow oo kale waa lasoo dhoweeyay, kadib wuu is sharaxay, waa lagu taageeray, balse markii ay muuqatay in uu guuleysanayo ayaa la xiray, taas waxa ay kuu sheegeysaa in waxa dhan ay siyaasadeysanyihiin" ayuu yiri Shawqi.

Waxa kale oo uu sheegay in madaxda federaalka ee hadda joogta ay u muuqdaan kuwa midba midka kale uu ka ficil qaato, kuna xumeeyo go'aanka uu qaadanayo "Tusaale wasiirka amniga wuxuu yiri xaaladda Mukhtaar Rooboow war haka keento NISA, kadib warbaahinta ayaa jawaabta loo mariyay, iyada oo la leeyahay wuu fiicanyahay, jaamacad ayuu dhigtaa, waxaa halkaasi kuu muuqanaysa in wada shaqayntii dowladda dhexdeeda ay aad u xuntahay".

Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha iyo madaxdii Alshabaab ee laga yaabi lahaa in ay isa soo dhiibaan ay dhici karto in ay lugta gadaal u dhigaan , iyaga oo arkaya sida uu yahay xaalka dowladda.

Haddaba yaa ka mid ah madaxdii Alshabaab ee qaarna xabsiga ku jira, qaarna maamuus iyo xilal heley?.

Maxamed Siciid Atam

Waa xubin sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab kana dagaalamayay buuraha Galgala ee gobolka Bari. 7 dii June, sannadkii 2014 ayuu ku dhawaaqay in uu ka goostay ururka Alshabaab islamarkaana uu ka tanaasulay guud ahaan fekerkii ururka ee uu u dagaallamayay.

Isaga oo sababeynaya isa soo dhiibiddiisa ayuu yiri "Waxaan caddeynayaa in wixii maanta ka dambeeya aan ka baxay Al-shabaab, isla markaana aan joojiyay colaaddii aan qaybta ka ahaa; waayo waxaan in muddo ah u dul-qaadanayay khaladaadka hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane uu ku hayo shareecada islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Arrimo badan oo jira awgood, dhallinyarada loo sheegay in loo dagaalamay isku xukunka shareecada islaamka ma ahan wax sax ah," ayuu ku yiri shirkiisii jaraa'id ee ugu horreyay ee uu qabtay Atam.

Maxaa loo aamini la'yahay Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur)?

Maxaa loo aamini la'yahay Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur)?

Cambaaraynta Cabdiraxmaan ma diin u hiilin baa mise waa dano siyaasadeed?

Wixii markaas ka dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Qadar ayaa ka caawisay in Atam uu magangalyo siyaasadeed ka helo Dooxa, 23-kii bishii Febraayo sannadkii 2016 kii ayeey ugu dambeyn Atam iyo ehelkiisa u hayaameen Qadar iyadoo la fulinayo heshiiskii labada dhinac.

Sakariya Axmed Ismaaciil


 ayay dowladda Maraykanka liiska argagixisada ka saartay Sakariye

Dhanka kale waxaa jira xubna sarsare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab, kuwaas oo dowladda Soomaaliya la shaqeeya hadda. Madaxii hore ee amniyaadka Alshabaab Sakariya Ismaaciil Xirsi oo horey Mareykan ku madaxiisu u duldhigay 3milyan oo dollar ayaa December sannadkii 2014 isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Sannadkii 2017 ayaa loo magacaabay madaxa sirdoonka hay'adda nabadsugidda Soomaaliya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano NISA, ka hor inta aanan xilkaas laga qaadin December 2019 kii. Inkasta oo Sakariye uusan door firfircoon ka ciyaareyn howlaha hay'adda muddooyinkii u dambeeyay, haddana waxaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay saraakiisha ugu waaya aragsan NISA.

Isa soo dhiibiddii Sakariye waxa ay waddada u furtay in saraakiil heer dhexaad ah oo ka tirsanaa ururka Alshabaab iskusoo dhiibaan hay'adaha dowladda sida ay aaminsan yihiin khubarrada dhanka ammaanka.

8 Maarso 2015 ayay dowladda Maraykanka liiska argagixisada ka saartay Sakariye

Xasan Daahir Aweys


,
Xasan Daahir Aways

Marka laga soo tago xubnaha isa soo dhiibay ee dhammeystiray shuruudaha, waxaa jiray saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Alshabaab islamarkaana aan dhammeystirin hanaanka isa soo dhiibidda. Sheekh Xasan Daahir Aweys hoggaamiyihii hore ee ururka xisbul Islaam, markii dambena ku biiray Alshabaab ayaa weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho. Haddaba Xuseen Sheekh Cali markale ha inoo sharxo farqiga u dhexeeya Xasan Daahir Aweys iyo isa soo dhiibayaashii kale.

"Kiiska Xasan Daahir waa uu ka duwan yahay kiisaska Rooboow iyo Atam. Xasan isma soo dhiibin, inkastoo uu dhowr jeer lasoo xiiriray dowladda, aniguna aan kamid ahaa dadkii la macaamilayay, haddana go'aan ayuu markii dambe ku qaatay in uu Galmudug ka dago qaab qabiilna isku dhiibo, markii uu Galmudug tegay qabiilka ayaa dowladda usoo gacan geliyay oo qaab aan ka wada dharagsannahay ayuu Xamar ku yimid, waa lala hadlay, oo la isku dayay in lagu qanciyo in isaga oo aan isa soo dhiibin isa soo dhiibe noqdo, ha yeeshee waa uu ka biya diiday Xasan Daahir sidaas ayuu xabsi guri u yahay illaa hadda, Mar haddii uu diiday in uu oggolaado saddexdii qodob ee muhiimka u ahayd isa soo dhiibidda, ama uu si cad u sheego in uu ka tanaasulay fekerkiisa".

Inta badan waa ay xirmeen xerooyinkii loogu talagalay isa soo dhiibayaasha, sida ay ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen, halka hoos u dhac badan laga dareemayo isa soo dhiibayaasha heerka dhexe iyo kuwa sare tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo horey iskugu soo dhiibay dowladda Soomaali, sida uu qabo wasiir hore Cabdirashiid Cabdullahi.

April 2017, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay cid kasta oo dooneysa in ay Alshabaab kasoo baxdo iskuna soo dhiibto dowladda Soomaaliya, taas oo fursad u siisay in ay isoo dhiibaan tiro aad u badan sida uu ii xaqiijiyay sarkaal magaciisa diiday in aan warbaahinta u isticmaalno oo ka tirsan xarunta dhaqancelinta Sarandi.

Sheekh Mukhtaar Rooboow



Mukhtaar Rooboow

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.

Rooboow ayaa mar noqday afhayeenka Alshabaab, markalena wuxuuba gaaray illaa heer hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab.

Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo las oo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Gunnaanad

Waxaa kale oo jira saraakiil boqolaal gaaraya oo siyaabo kale duwan iyo meelo kala duwa dowladda isugu soo dhiibay, kuwaas oo qaarkoodna ay xabsi ku dambeeyeen, qaarkoodna ay xilal muhiim ah ka hayaan dowladda ayba mar ka qabteen.

Meelaha ay galeen waxaa ka mid ah ciidamada kala duwan ee amniga, guddiyada doorashada, wasaaradaha iyo xitaa maamul goboleedyada

Wararkii ugu Danbeeyey Cadhada Kadhalatay Talaabada Imaaraadku Qaaday

galitaankii maraykanka ee muqdisho iyo wixii ka raacay

ee shacabkaan waa dadweynihii muqdisho waxay ka mudaharaadayaan qaddiyadooda waa 1993 markii maraykanku galay muqdisho

Has the trumpet of World War III been blown? US troops on high alert US troops on high alert

US President Joe Biden says there is "complete unity" between European leaders and Russian forces along the border with Ukraine. During sensitive talks on Monday, Western powers agreed on "unprecedented sanctions" against Russia if it invades Ukraine. The United States has also deployed 8,500 troops, which Russia says is "extremely worrying". Russia has denied plans to invade Ukraine. However, about 100,000 Russian troops have been deployed along Russia's border with Ukraine. Joining the US and UK in Monday's talks was also attended by leaders of France, Germany, Italy, Poland and the European Union. Nato Secretary-General Jens Stoltenberg also took part in the talks by telephone. "I have had a very, very good meeting with all European leaders," Mr Biden said. A spokesman after the meeting said the leaders "agreed on the importance of uniting to counter Russia's growing hostility". Should another Russian invasion of Ukraine take place, they agreed that "the coalition should issue immediate retaliatory measures including unprecedented sanctions". NATO and Russia: Comparison of power between the two sides Is Russia preparing for a nuclear war? Internet war between Russia and NATO Russian tanks perform drills PICTURE SOURCE, RUSSIAN DEFENCE MINISTRY Photo caption, Russian tanks perform drills On Monday, UK Prime Minister Boris Johnson warned that intelligence reports indicated that Russia was planning an attack on the Ukrainian capital Kyiv and that the UK had begun withdrawing some of its embassy staff. The United States has taken similar action, ordering relatives of embassy staff to leave. Some Nato member states, including Denmark, Spain, France and the Netherlands, are already planning to send fighter jets and warships to Eastern Europe to bolster regional defense.

XOGTA Hubka Ruushka iyo Argagaxa Reer Yurub..Dowlado Yurub Ah oo isku Dh...

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Cusub ee Dalka Kataagan Arimaha Dibadda &...

Agaasimaha cusub Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka oo xilka la wareegay BUURTINLE(TIMAJILICNEWSnaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, masuuliyiin ka kala socotay hanti dhowrka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cabdullahi Salaad Xuseen, kaas oo dhawaan ku soo baxay tartan Daah-furan oo ay ka qeyb galeen Boqol Konton iyo Afar Qof. Ugu Horeyn Hanad Xasan oo kamida La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in booska uu ku soo baxay Agaaasimaha cusub ee maaliyadda Cabdullahi Salaad Xuseen uu ahaa mid uu tartan adag u galay, isla markaana ugu dambeyn uu ku guuleystay kadib qiimeyn dhinacyo badan oo ay sameeyeen gudigga qaadayey imtixaanka oo ka kobnaa qubarro kala duwan. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munaasabadda soo xirtay ayaa Agaasimihii hore uga mahadcelisay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay, waxayna dhinaca kale Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda kula dardaarantay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday oo ay sheegtay inuu yahay mid dhib badan.